Xoolaha aad masaakiinta ka xaddo, iyo mustaqbalka Caruurtaada isku fiiri=Nasashada Jimcaha.Q-151-aad.=

0
Sunday June 09, 2019 - 05:50:54 in Wararka by
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoolaha aad masaakiinta ka xaddo, iyo mustaqbalka Caruurtaada isku fiiri=Nasashada Jimcaha.Q-151-aad.=

    (Wax Akhyaar loogu maahmaahu ma ahan, waase iga talo) 1-Haweeney iyo Ninkeeda oo Qolkooda wada jiifo ayaa ku tiri: bal caawa, fiiri Xiddigaha Cirka maxaad dareenee?. Waxa uu ku yiri: Quruxda xiddigaha iyo tiradooda, Caawa ka hor uma maleeyneeyn in e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Wax Akhyaar loogu maahmaahu ma ahan, waase iga talo) 1-Haweeney iyo Ninkeeda oo Qolkooda wada jiifo ayaa ku tiri: bal caawa, fiiri Xiddigaha Cirka maxaad dareenee?. Waxa uu ku yiri: Quruxda xiddigaha iyo tiradooda, Caawa ka hor uma maleeyneeyn in ey sidaa u qurxan yihiin. Waxa ey ku tiri: War Doqon yohoow naga aamus, Xiddigo kuu roone, intii aan jiifnay ayaa Saqafkii Guriga la fuqsaday. ( F.S: 1aad)

(Ha noqon Doqon, intii uu Dollarka fiirinayay, Dalkii laga qaatay)

2- Cali iyo Cabdi oo Makhaayad wada fadhiyay ayaa Cali yiri: War Nin yohoow, "imisa jeer ayaad Timaha Jartaa?”. Cabdi ayaa yiri: Bishiiba hal mar, ee Adiguna Caliyoo? Cali ayaa ugu Jawaabay: Bishiiba ugu yaraab 30-45 mar. Cabdi ayaa yiri: War ma waalantahay? Cali ayaa yiri: Maya, ee Tima jare ayaan ahay.

( Su’aashaada hubso, Qofka aad eedeeynee amuu isagu kaa saxan yahay)

3-Haweenay Uur laheeyd oo istaagu dhibayay, ayaa markii ey istaageysay waxa ey tiri: Alloow i istaagi oo ha i kala reebin. Dhaqsi ayey u istaagtay. Markaa ayey tiri: Iskaba daa anaa kaliygeey istaagaye. ( F.S:2aad)

( Somaaliyeey, Nimco kasta Allahii ku siiyay ku shukri)

4- Aabe wadanka ka xaday Hanti badan, ayaa Qooyskiisii u raray Wadan Khaliijka ah, wiilkiisa oo 17 jir ahaa, ayuu rabay in uu u guuriyo Gabar magaalada Dagneeyd. Wiilkii ayaa habeenkaa ku soo daahay Xaafaddii Gabadha, markii uu yimid, ayaa Aabihii weeydiiyay, Wiilkeeygoow, Caawa xageed sidaan ugu soo daahday?

Wiilkii ayaa yiri: Aabe Caawa waxa ey aheyd Habeenkii iigu horeeyay ee aan Galmo tijaabiyo. Aabihii oo ku faraxsan ayaa yiri: Nin rag ah ayaad tahay, waa tii aad ka maseyrtay Baaskiilada ey wataan Ciyaalka Carabtu. Berri, Baaskiilkii aan kaa balan qaaday ayaan kuu iibinayaa. Wiilkii ayaa yiri: Aabe Baaskiil ma wadi karo , Dabadaa aad ii xanuunee.( F.S: 3aad)

(Xoolaha aad masaakiinta ka xaddo, iyo mustaqbalka Caruurtaada isku fiiri)

5-Nin Cawir ahaa oo Xaaskiisuna ey Cawir kale aheyd, ayaa si khalad ah uga furay, Daaqada Bidix ee Gaarigii ey wateen, isaga oo is leh tan Midig ee saxda ah ka fur. Wax ey ku tiri: Maya, ka dagi maayo Daaqadaa Bidix ee khaladka ah.

Waxa eyna ka degtay isla Daaqadii Bidix ee khaladka eheyd, ileeyn iyaduna waa cawir kalee. ( F.S: 4aad)

(Hala yaabin haddii aad Afrika ku aragto, khalad ey isku raaceen Baarlamaan Cawir ah iyo Xukuumad Cawir ah)

6-Nin ayaa isaga oo la jiifo Xaaskiisa, habeenkii ugu horeeyay ee Aqal galkooda ku yiri: Cawa ka hor meeqa jeer ayaad Nin kale la jiifatay ayaan ku weeydiiyay, "Nus Saac ka hor”, adigiina waad iska Jiifatay adiga oo aan iiga Jawaabin?. Waxa ey ku tiri: Xabiibii, ma jiifan ee weli waan tiri nayay.( F.S: 5aad)

(Xisaabiye hore ayaa loo magacaabay Wasiir, "1dii Bisha Janaayo”. Waxaa la weydiiya intii aad aheyd Xisaabiya Guud, Meeqa jeer ayaad Laaluush qaadatay?. "Maanta waa "31kii Janaayo” welina Jawaab lagama hayo, armaa Xisaabiye iyo Wasiir dhaxdooda Shacabku ku dhamaadaa?)

Qore: Yahya Amir



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip