Cristiano Ronaldo Oo Xulkiisa Portugal U Soo Saaray Finalka UEFA Nations League.

0
Thursday June 06, 2019 - 23:02:23 in Wararka by
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Xulkiisa Portugal U Soo Saaray Finalka UEFA Nations League.

    Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidiga xulkiisa Portugal ka caawiyay in uu noqdaan xulkii abid ugu horeeyay ee buukintay finalka UEFA Nations League. Inkasta oo uu xulka qaranka Switzerland ka soo kabsatay gool uu Cristaino Ronaldo dhaliyay qaybtii ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidiga xulkiisa Portugal ka caawiyay in uu noqdaan xulkii abid ugu horeeyay ee buukintay finalka UEFA Nations League. Inkasta oo uu xulka qaranka Switzerland ka soo kabsatay gool uu Cristaino Ronaldo dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta ayuu haddana Ronaldo noqday xidiga goola labaad ee Portugal dhaliyay ciyaarta oo ay laba daqiiqo ka hadhsanayd. Laakiin Cristiano Ronaldo isla daqiiqadii 90 aad dhaliyay goolkiisa uu ku dhamaystiray saddexleyda ee uu sida rasmi ah ugu quus gooyay Switzerland oo si layaableh isku aragtay xaalad musiibo ah oo ay dhex galeen.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 25 aad ee qaybtii hore waxa uu xulka qarankiisa Porugal siiyay fursada ay goolka kowaad ku heleen wuxuuna ahaa gool ay qaybtii hore hogaanka ciyaarta ugu hayeen.

Laakiin xulka Switzerland ayaa ciyaarta ugu soo laabtay gool rekoodhe ahaa oo uu dhalyay R.Rodriguez kadib markii uu garsooruhu si taxadar leh u eegay VAR wuxuuna go’aamiyay in Semedo uu qalad ku galay Zuber taas oo keentay rekoodhaha ay Switzerland ku keensadeen barbaraha.

Laakiin ciyaarta oo dhamaad ah ayuu Cristiano Ronaldo xulkiisa Portugal siiyay fursada ay hogaanka ciyaarta ku soo ceshadeen daqiiqadii 88 aad ee dhamaadkii ciyaarta kadib markii uu caawin ka helay Bernardo Silva.

Waxa uu goolkani u muuqday mid yimid waqtigii ugu haboonaa ee ay Portugal guul gaadhi kareen waxayna Switzelrand markiiba ka fikireen in ay isbadal weerar kooxdooda ku sameeyaan.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa laba daqiiqo kadib oo ah daqiiqadii 90 aad waxa uu si deg deg ah u dhamaystirtay saddexleyda uu xulkiisa u dhaliyay kadib markii uu caawin ka helay Gonçalo Guedes.

Ciyaarta ayaa si layaableh iskugu badashay 3-1 uu xulka Portugal ku helay kalsooni ayna wax walwal ah ka qabin soo laabasho kale oo ay Switzerland samayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Portugal dhinac iskaga dhigeen Switzerland waxayna sidaa ku noqdeen xulkii abid ugu horeeyay ee soo gaadhay finalka UEFA Nations league iyaga oo sugi doona Netherlands iyo England midka habeen danbe soo bixi doona.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip