Maxkamad Ku Taalla Mareykanka Oo Magdhow Lacageed Ku Xukuntay Sarkaal Horey Ee Dowladii Kacaanka
Dhegeysiga Dacwadaasi oo socotay dhowr maalmood, waxaa Kolonel Yuusuf Tuke lagu waayey eedeyn lagu sheegay inuu shaqsi ahaan jir-dilay Dhibanaha soo dacweeyey.
Kolonel Yuusuf Cabdi Cali "Tuke” waxa uu beeniyey Eedeymaha Farxaan Warfaa, isagoo sheegay inuusan haba yaraatee geysanin wax tacadiyo ah muddadii uu Ciiddanka ahaa.
Dhinaca kale, Qareenka difaacayey Kolonel Tuke oo lagu magacaaboJoseph Peter Drennan waxa uu sheegay inay Rafcaan ka qaadan doonaan Xukunkaasi, isagoo dacwadaasi ku tilmaamay mid ku salaysan Cadiifad Qabyaaladeed.
Si kastaba ha ahaatee, Kiiska loo haystay Kolonel Tuke ayaa noqonaya dacwadii 3-aad ee ay Maxkamadaha Maraykanka ku qaadaan dadka lagu soo oogo inay Tacadiyo geysteen xilligii Dowladdii Kacaanka ka talinaysay Somalia.
Maxkamad Ku Taalla Mareykanka Oo Magdhow Lacageed Ku Xukuntay Sarkaal Horey Ee Dowladii Kacaanka
Garsoore ka tirsan Maxkamad ku taalla magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalkaasi waxay shalay xukun ku riday Kolonel Yuusuf Cabdi Cali "Tuke", kaasi oo lagu eedeeyey inuu jir-dilay Dhibane Farxaan Maxamuud Taani Warfaa sannad