Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la xoojin doono laamaha amniga gobolka Mudug

0
Tuesday May 21, 2019 - 22:29:57 in Wararka by
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la xoojin doono laamaha amniga gobolka Mudug

    Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha qeybta Booliska gobolka Mudug, saldhigga dhexe ee Booliska Gaalkacyo, Dambi Baarista iyo Isbitaalka Weyn ee maagalada Gaalkacayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha qeybta Booliska gobolka Mudug, saldhigga dhexe ee Booliska Gaalkacyo, Dambi Baarista iyo Isbitaalka Weyn ee maagalada Gaalkacayo.






Kormeerka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda iyo taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ka bilaabay Saldhigga dhexe ee Gaalkacayo, qaybta Booliska gobolka iyo deni barista.

 
 
Madaxweynaha ayaa xarunta qeybta Booliska gobolka Mudug kula hadlay Saraakiisha laamaha ciidanka Booliska gobolka iyo degmada Gaalkacayo.

"Booliiska waa halbowlaha nabadda umadda, hadaan nabadi Jirin horumar ma jiro, hadaan boolis jirina nabaddi ma jirto, waan dareemi karnaa xaaladda lagu jiro iyo wakhtiyada la soomaray, kormeerkeena markii uu dhammaado waxaan rajeynaynaa in uu qorshe cad kasoo boxo wixii ciidanka la gudboona iyaga ayaa looga baahan yahay, wixii dowladda looga baahanyahayna waa balan qaadaynaa." ayuu yir madaxweynuhu.

Dhinaca kale,Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacayo oo dhisme uu ku socdo marayana heer geba-gebo ah, Madaxweynaha ayaa halkaas kulan kula qaatay maamulka cisbitaalka iyo guddiga horumarinta gobolka Mudug.

"Gaalakacayo waa ubucdii Soomaaliya, waa meel aad u muhiim ah, Isbitaalku ha noqdo mid caafimaad saldhig u ah iyo horumarada kale ee Soomaaliya iyo Puntland-ba muhiim ayeey u tahay waxaa wax lagu farxo ah in cisbitaalku uu soo saaro dhakhaatiir, dhaakhaatiirta dalka lagu tabarucona waxaa ay ka fiican yihiin kuwa dibadda lagu tabaruco, waayo waxay xog ogaal u noqonayaan baahiyaha iyo qaabka loogu shaqaynayo bulshada." ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey dhismaha cusub ee Isbitaalka oo heer gebogebo ah maraya oo loo dhisay qaab casri ah, waxaana uu madaxweynuhu ku boggaadiyey gudiga dhismaha cisbitaalka dedaalka balaadhan ee ay muujiyeen iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen dhismaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip