Faah faahin:-Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin Jubbada Hoose

0
Tuesday May 21, 2019 - 21:20:18 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin:-Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin Jubbada Hoose

    Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu deegaanka Jaziirada Kudhaa uu ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu deegaanka Jaziirada Kudhaa uu ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Kenya oo ka mid ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Kudhaa,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.

Weli lama oga khasaaraha labada dhinac kasoo  gaaray labada dhinac,hayeeshee warar ay Al-Shabaab ku qoreen Baraha Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheeegeen in mudo kooban la wareegeen Saldhigyadii ay weerareen.

Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland weli kama hadlin dagaalka deegaanka Jaziira Kudhaa ku dhexmaray Ciidamada Kenya,kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro ay fuliyaan Al-Shabaab,iyada oo Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay sheegaan inay iska difaacaan weerarda kaga yimaada dhinaca Ururka Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip