Khayre oo Farriin u diray dhalinyaradda Soomaaliyeed

0
Wednesday May 15, 2019 - 19:51:51 in Wararka by
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khayre oo Farriin u diray dhalinyaradda Soomaaliyeed

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.



Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka cadowga iyo kobocinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku ammaanay sida ay hormuud uga yihiin dhammaan hay’adaha dowladda.

Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Maanta waxaan u dabbaal dageynaa maalin taariikh ku leh dalkeenna, waa maalintii ay dhallinyaro Soomaaliyeed aasaaseen ururkii SYL oo horseed u noqday gobannimada aan maanta ku naallooneyno. Maanta dhallinyarada waxaa laga doonayaa halgan lamid ah kii halgamayaashii SYL ee xornimada gaarsiiyay dalkeenna. Maanta waxaa waajib idinka saaran yahay dib-u-dhiska dalka iyo sameynta is bedel dhab ah oo inoo horseeda nabad iyo horumar”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dhallinyarada ciidamada ah ee aagagga hore ee dagaalka cadowga kula dagaallamaya iyaga oo sooman, isla markaana guulo waaweyn ka soo hoynaya. Waxa ay hureen dhiiggooda si carruurteena iyo hooyooyinkeena ay nabad ugu seexdaan. Waa halgamayaasha dhabta ah ee dalkuunnu maanta leeyahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 76 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip