Maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed oo maanta ku beegan..

0
Wednesday May 15, 2019 - 09:51:44 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed oo maanta ku beegan..

    Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad lagu xusayo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15 Bisha May oo ah Maalintii la aas'aasay Ururkii dhalinyarada SYL ,kuwaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad lagu xusayo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15 Bisha May oo ah Maalintii la aas'aasay Ururkii dhalinyarada SYL ,kuwaas oo lagu xusuusto doorkii ay ku lahaayeen xornimo u dirirkii Soomaaliya.



Ururka Dhalinyarada SYL ayaa ka koobnaa 13 Dhalinyaro ah,kuwaas oo halgan iyo dadaal dheer u galay xurnimada dalka Soomaaliya kuna guuleystay intooda badan,waxaana munaasabada Maalinta 15 Maay ka qeyb geli doona Madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa la filayaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku qabtaan munaasabdo lagu xusayo 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Aas aaska ururkii gobonima doonka ee SYL.

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyey,waxaana Maalmihii la soo dhafay laga dareemayay Muqdisho diyaar garoowga ku aadan xuska 15 Maay,waxaana dib u dayactir lagu sameeyey Taalada SYL oo ku taalla kasoo horjeedka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Magacyada

1: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin

2: Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}

3: Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke

4: Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed

5: Cismaan Geedi Raage

6: Dheere Xaaji Dheere

7: Daahir Xaaji Cusmaan

8: Cali Xasan Maslax

9: Maxamed Cali Nuur

10: Maxamed Faarax Hilowle

11: Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi}

12: Huudoow Macalin Cabdulle

13: Maxamed Cusmaan Baarbe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip