Kuwa ilkaha Biraha ku soo xirtayna naga hubiya=Nasashada Jimcaha. Q-146aad=

0
Friday May 03, 2019 - 21:15:48 in Wararka by
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuwa ilkaha Biraha ku soo xirtayna naga hubiya=Nasashada Jimcaha. Q-146aad=

    Afeef. Wax Akhyaar loogu maahmaana malehe. 1- Wiil Reer Gaalkacyo ah oo Mareykanka degenaa, ayaa Aabihii oo waayeel ahaa geeyay Mareykanka. Wiilku Subaxdii shaqo ayuu aadi jiray, Galabtiina Aabe ayuu la joogi jiray. Galabtii dambe ayaa wiilkii ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afeef. Wax Akhyaar loogu maahmaana malehe. 1- Wiil Reer Gaalkacyo ah oo Mareykanka degenaa, ayaa Aabihii oo waayeel ahaa geeyay Mareykanka. Wiilku Subaxdii shaqo ayuu aadi jiray, Galabtiina Aabe ayuu la joogi jiray. Galabtii dambe ayaa wiilkii maqnaaday, habeenkii markuu yimid, ayuu ku yiri: Aabe Galabta waxaan raacay Aaska Nin deriskeena ahaa oo geeriyooday. Aabihii waxa uu bilaabay in uu "Qulhuwale" u Akhriyo.

Wiilkii ayaa ku yiri: Aabe Ninka Deriska ahaa ee dhintay waxa uu ahaa Gaal. Odaygii Reer Gaalkacyoodku, waxa uu bilaabay in uu Akhriyo " Qul yaa ayuhal kaafiruun”. ( F.S: 1aad)

(War, Deriska Dowladu la heshiineyso, ama Mucaaradku ku dhax shirayo, kan uu yahay Shacabka ha loo sheego si aan u ogaano duco iyo inkaar midda aad mudan tihiin)

2-Odayaal Qado Sub ah cunayay ayaa mid waxa uu ku mergaday Cuntadii oo dhuunta u istaagtay, isaga oo la rafanaayo ayaa Gabar Qurbaha ka timid oo aan si fiican Af Somaliga u aqoon waxa ey ku tiri: Adeer "Biyo ma kaa keenaa”. Odayaashii kale ayaa Qosol la dhacay, Kii cuntada ku mergadayna Laftiisan Qosol ayaa Margashadii uga degtay. ( F.S: 2aad)

(waxaan arkay warqad uu qoray Agaasime Qurbaha ka yimid, oo Af Soomaligana aan si fiican u aqoon. Wixii ku qornaa……………kuma sheegi karo, waxaan ka baqaa in aad Qosol ku mergato)

3-Koo Reer Baladweyne ah oo caato ahaa qabayna Xaas aad u buuran aadna u xoog badan, ayaa mar kasta waxa ey ku dhax xiran jirtay Qolka kuma garaaci jirtay, kdibna dusha ayey uga fadhiisan jiratay oo inta Cunaha qabato ceeji jiray, aad ayuu uga baqi jiray, wax uu sameeyana ma aqoon.

Maalintii dambe iyada oo si xun banaanka ugu garaacee oo dusha uga fadhido ayaa deriskii ku soo baxay oo laga kiciyay. kadibna isaga oo neef tuurayo ayuu yiri: Wacadala Qabtadaan, maxeey mar kasta ii garaaceyddaa, war yaa Muslim ah oo naagtaan iga Furo. Waxa uuba hilmaamay in uu isagu Furi karo. ( F.S: 3aad)

(Waxaa la arkay Baarlamaan Deriska u dacwoonayo oo leh, Dowladaan yaa naga qabto. Waxayba hilmaameen in sharci ahaan iyagu ay Ansixiyeen iyaguna ay ridi karaan Dowladda)

4-Waxaa jirta Caado ey leeyihiin Reer "Minnesota ". Nin ayaa saaxiibkii ku yiri: war Xaaskaagii Canab iyo Caruurtii ka waran, Dumaashideey ma Nabad qabtaa? . kii kale ayaa ku yiri: waan kala tagnay. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Numbarkeeda i sii?

(Markii ay Somaliya noogu yimaadeen Reer Minnesota waxaan ku aragnay iyaga oo. ………………… Adlee waaye)

5-Koo Reer Gedo ah oo aad iyo aad u ilka dheeraa, ayaa u yimid Oday Muriidi oo Reer Xamar ah, kuna yiri: Xamarweyne ayaan deganaan jiray. Waxaana ka tirsanaa jiray Ciidankii Hangashta, ka sii horna waxaan ahaan jiray Nabadsugidda. Haddana waxaan ku biirayaa Heyadeydii Hore aan ugu shaqeyn jiray.

Odayg Muriidi oo la yaaban Ninka ilkahiisa dhaadheer ayaa ku yiri: igaarkeey, shaqo ku noqosho ma xumee, Markii hore Nabadsugidda "Qaniinyada Maxaabiista” miyaad u xisaabsaneyd.

(Dadka Qurbaha hadda shaqada ka soo doonanatay, hala weeydiiyo. Maxey hore u qaban jireen?, kuwa ilkaha Biraha ku soo xirtayna naga hubiya). ( F.S: 4 & 5aad)

6- Oday Reer Burco ahaa oo Qurbaha ka yimid oo Guurdoon ahaa ayaa Haweeney uu yaqiin ku yiri: Gabar Bikro ah ii raadi? Waxa ey ku tiri: Gabadheeyda ayaaba joogto. Waana lagu heshiiyay. Gabadhii ayaa ku tiri: Hooyo ha i ceebeeyn, Gabar waan ahay Laakin Bikro ma ihi. Hooyadii ayaa ku tiri: Naa Hoogto, Xabadd Liin ah u gasho. Gabadhii sidii ayeey yeeshay. 7 Cisho Duqii meel uu wax mariyo ayuu waayay, Habeenkii 8aad ayey ka saartay Liintii. Odaygiina Saaxiibadiis ayuu ugu faanay in uu 7 Cisho kadib uu ku guuleeystay.

Gabdhii oo ku faraxsay in eynan ceeboobin ayaa ku tiri: Hooyo Caqligaan xageed ka keentay? Hooyadii ayaa ku tiri: Naa war moogeey, naga aamus. Aabahaa ayaan Qare u gashaday.

(Hadda, Shirka Garoowe ee May 2019, haka sugin Siyaasad Bikro ah, Rag Liin & Qare isku gashaday ayaa ku balansan).



Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip