Warbixin ku saabsan xaalada nololeed ee gobolka Gedo (Sawiro)

0
Sunday February 07, 2016 - 20:08:52 in Maqaallo by
  • Visits: 1698
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warbixin ku saabsan xaalada nololeed ee gobolka Gedo (Sawiro)

    Dalka Soomaliya oo ka mid ah wadamada dhaca geeska Afrika waa wadan Hodan ku ah kheyraad kala duwan sida xoolaha iyo beeraha, waana dalka kaliya ee aduunka lagu tilmaamo in uu ka mid yahay wadamada leh xoolaha ugu badan dunida,Soomaaliya marka aan ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Soomaliya oo ka mid ah wadamada dhaca geeska Afrika waa wadan Hodan ku ah kheyraad kala duwan sida xoolaha iyo beeraha, waana dalka kaliya ee aduunka lagu tilmaamo in uu ka mid yahay wadamada leh xoolaha ugu badan dunida,Soomaaliya marka aan eegno gobolada ugu wax soo saarka badan waxaa ka mid ah Sh/Hoose iyo Gedo.

Gobolka Gedo waxa uu ku caan baxay soo saarista dalagyada Galeyda, Masagada, Digirta, Basasha, Liinta iyo qudaarta qeybaheeda kala duwan.

Dhawaan aniga iyo koox ka shaqeysa arimaha bini’aadanimda waxaan socdaal shaqo oo aan ugu ku ogaanaynay Xaaladaha Bini’aadanimo ee gobolka ka jirta aan gaarney degmooyin dhowr ah oo ku yaala gobolka Gedo sida Doolow, Luuq, Balad Xaawo iyo Ceel Waaq .

Degmooyinkaasi aan soo sheegay mid walba waxa aan ka tagnay tuulooyin ka badan 50, waxaana ku soo aragnay Xaalado kala duwan oo aad nooga yaabiyey.

Tusaale degmada Luuq oo webiga Jubba uu dhinacyda ka maro waxan ka tagnay tuulooyinka ku kala yaala Goobo la kala yiraahdo Tuuloyinka Gedo iyo Bay waxaana ka mid ah Afmadoobe ,Garsley ,Madhaweey,Lafa Geri, Haanooy,Dhaaysiyow,Garas Duleele,Hoobishoow , Adan Kheyr, Lafale, Miro Dhubow, Aroosow ,Garbolow ,Aboow iyo kuwa kale oo badan.

Deegaanadas oo dhan waxaa ka jira xaalado bini’aadanimo oo aad u adag, waxayna xaaladdu galaafatay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool mana laha waxyaabaha nolasha aasaasiga u ah sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Dhibaatada ugu daran ee deegaanadaasi ka jira oo ay ka wada simam yihiin waa dhinaca caafimaadka malaha meelo MCH oo haweenka iyo carruurta wax loogu qabto, waxaana jira haween ka badan boqolaal oo maalin kasta ugu geeriyooday habka Israaca ama umul raaca oo haweenka ugu dhintaan, maxaa yeelay ma jiraan goob caafimaad oo adeegyo dhameystiran ay ka helayaan waxaa ugu dhow Degmada luuq oo tuulooyinkasi qiyaas ahaan u jirta 25 Km.

Dhanka Biyaha.

Waxaa aad u adag oo gabaabsi ah in dadka ku nool Tuulooyinka Bay loo yaqaano oo webiga ka shisheeya in ay heelaan goobo ay biyaha ka cabaan amaba ay ka soo dhaasadaan, halka il ee ay biyaha ka helaan waa Webiga oo isgana u jira qiyaastii 15 km ilaa iyo 20 km hada waxay cabsi ka qabaan biyo la’aan in ay soo wajahdo maxaa yeelay waxaad arkasyaa in meelo qaar uu webiga uu ka guray oo xadkiisii uu ka hoos maray, la yaabka ayaa waxa uu yahay midabka biyaha oo isbadalay iyo xoolihii iyo dadkii oo ismu meel ka wada cabayaan, waxaana si aad u dhow uga dhalan karta xaalado caafimaad daro.

Dhanka Waxbarshada.

Dhanka waxbarshada marka la eego waxaa jiray tuulooyin aan badaneyn oo leh dugisyo waxbarasho kuwaasi oo lagu barto Far Soomaaliga iyo Xisaabta iyaganu ma laha tayadii la rabay oo macalimiinta ma heelaan xaquuqdii ay ku shaqeynayeen waxaana sidoo kale meesha ka maqan tayada qalabka waxbarshada, tusaale tuulooyinka aan ku soo aranay waxbashada waxaa ka mid ah tuulooyinka Aboow, Adan Kheyr iyo Aroosow .

Dhanka Wax soo Saarka:

Dadka ugu badan ee ku nool tuulooyinka ku yaala degmada Luuq waxa ay nolol maalmeedkooda ka soo saartaan tacbashada beeraha, jarista dhirta iyo iibinta xoolaha nool, waxaana markii aad dadka la sheekeysato ay kuu sheegayaan in ay jiraan caqabado badan oo sababay in qoysas badan ay ku dhaceen shaqo la’aan Baahsan sababtuna ay tahay tacbashada beeraha oo yaraaday iyo xoolihii oo Jiilalku laayay.

Beeraleyda ayaa ii sheegtay in ay sanadihii la soo dhaafay ay aad u yaraayeen tacbashada beeraha waxaana ay u sababeyeen dhowr arimood oo ay ka mid yihiin in ay san haysan qalabka beeraha sida matoorada iyo cagafcagafyada.

Nabaad Guurka Dhulka:

Dhulka ku yaala miyiga ee aan booqanay waxaa nooga muuqday nabaad guur aad u daran maxaa yeelay waxaa aad loo jaray oo la baabi’iyayay geedihii waxtarka lahaaa ee goobahaasi ku yiilay, sida aad ka arki kartaan sawirada qaar waxaa la jaray oo dhuxul laga dhigay geedo badan oo xoolaha iyo Dadkuba ay manaafacaadsan lahaayeen, mana jirto cid ka hadasha ama ka dhiidhisa in aan la nabaad guurin geedaha, marka laga soo tago jarista geedaha waxtarka leh ayaa waxaa dhulkii dooga ahaa ee tacbashada beeraha qariyay geedka Soomaalida u taqaano geed Yuhuudka kaasi oo shaki la’aan hadii sanadaha soo socda aan lagu qaadan ololo ka dhan ah lawaayi doono dhul beered wax soo saar leh, waxana beereleyda ay kuu sheegayaan in ay tabar u waayeen jarista geedkaasi. waxayna dalbadeen in gacan laga siiyo sidii loo tirtiri lahaa amaba ugu yaraan loo yareyn lahaa faafitaanka geedka Yuhuudka ama kaligi noolaha.

Gargaarka Dhanka Bini’aadanimda .

Marka laga soo tago xaaladahaasi aan soo sheegay oo tuulooyinkaasi ka jira waxaa jira hay’ado gargaar oo aad u badan oo ka shaqeeya guud ahaan gobolka Gedo, waxaana ka mid ah Hay’adaha aan xusi karno Cafadaro, SHARA, CEDA, IRC, WFP, iyo FOA .

Dhamaan Hay’adaasi waxa ay ka shaqeeyaan arrimaha bini’adanimada sida caafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo arimo kale oo badan. Laakiin dhaliisha ay qabaan dadka ku nool tuulooyin badan oo degmada Luuq ku yaala ayaa ah in aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, waxayna ku dhaliileen hay’adasi gargaarka in aysan sidii la rabay wax ugu qaban oo lagu soo koobay oo kaliya meelo gaar ah.

Waxaan la kulanay dad ku nool Tuulooyin ay ka id yihiin Miradhubow,Tuula Sharif iyo Lafaale waxay noo sheegeen iska daaye in gargaar la soo gaarsiiyo in aysan jirin shaqsi ka socda hay’adaha gargaarka oo yimaada oo xaaladooda wax ka weydiiya.

Waxyaabaha la yaabka leh ee soo arkay.

Markii aad tagto meel waxyaabaha qaar ay caadi ka yihiin waxaa hubaal ah in aad adigana ay qasab kugu noqonayso in aad la qabsato oo aad la jaanqaado maxaa yelay Soomaalida ayaa horey waxay ugu maahmaahday meel il’ laga la’yahay hadii aad tagto isha ayaa la is tiara, waxyaabha iga yaabiyey ee aan soo arkay ayaa waxaa ka mid ah doonta loo isticmalo webiga oo tayadeeda oo aad u hooseysay waa doon ka sameysan qoryo la isku dhajiyay oo xargo dhowr ah lagu xiray dhinacyadana laga giliyay fuustooyin faaruq ah oo ilaa afar gaaraya, waxaa hubaal ah markii aad dusheeda fuusho doontaasi in ay cabsi badan ku galasyo oo aad ducada hoos ka wadeyso maxaa yeelay daqiiqad walba waxad qatar ugu jirtaa in aad webiga ku dhacdo oo af yaxaaskiis gasho.

Waxyaabaha kale ee la yaabka leh ee aan soo aragnay waxaa ka mid ahaa in tuulooyinkaasi aysan lahayn suuq iyo goob laga raaco gaadiidka dadweynaha, dadku hadii ay u baahdaan in ay tagaan degmada Luuq waxa qasab ah in ay adeegsadan cagtooda oo ay lug eeyaan ilaaa iyo 30 km.

Sikastaba tuulooyinka hoos yimaada degmooyinka gobolka Gedo ayaaa ka wada siman xaaladaha dhanka nolasha iyo mida bini’adanimo ee ka jirta waxaana aniga oo ah qoraha maqaalkan aan ku tilmaami karaa gobolka Gedo in uu yahay gobol hodan ah hadana gurmad u baahan madama gobolka uu yahay gobol barwaaqo ah dadku aysan haysan wixii ka caawin lahaaa in ay nolashooda ay soo saartaan oo ay ka mid yihiin tacbashada beeraha.

W/D:C/fitaax Macalin Nuur (Qeys)

Tell:+252615561892

Email:fitaaxqeys@hotmail.com

gedo (2)gedo (3)gedo (4)gedo (5)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip