XUSUUS: Before + After + Now.

0
Sunday April 28, 2019 - 22:48:34 in Wararka by
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUSUUS: Before + After + Now.

    Beryahan waxa ey ka shidan tahay Before & After, Dadkii berkaasaa in dareere anna ki daramee. Maxaa iga reebaya. 1-Before: waa sawirkii iigu horeyay oo la iga qaaday, aniga oo tuulada dhaxdeeda kula xaragoonaya shaarkeeygii Labada Galuus lahaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beryahan waxa ey ka shidan tahay Before & After, Dadkii berkaasaa in dareere anna ki daramee. Maxaa iga reebaya. 1-Before: waa sawirkii iigu horeyay oo la iga qaaday, aniga oo tuulada dhaxdeeda kula xaragoonaya shaarkeeygii Labada Galuus lahaa, nasiib wanaag sawirka waxaa ka muuqda qaybta sare oo kaliya, illey waan caga cadaa oo kabo maba heli karin waqtigaa. FS 1.

waqtigaa riyadda iigu weyn waxa ey aheyd in aan Xamar tago, Laakin shuruud ayaa ku xirneyd : Marka hore Qur’aanka baro, dhowr kitaab oo Safiinatu Salaad ugu horeysana Masjidka ka aqriso, kadibna Dugsiga hoose ee tuulada dhameey, markaa ayaad Xamar cade u aadi kartaa dugsiga dhexe. Shuruudihii ayaan buuxiyay waxaana la i keenay Xamar FS 2aad.

2- After: Xamar saan moow ahaay!!!! Waa ku soo sirmay. Xer ,cid ku jilan ayaa ugu nasiib badan dadka, intii aan wax barashada ku jiray waxaa Nolosheyda kafaala qaaday Habar yar: Faduma Hirabe Siyad AUN oo hooyadey ay ilma adeer ahaayen, Habeenkiina qol cariish ah oo xaafad kale ku yiil ayaan 6 Arday ku seexan jirnay.

Injir Badookiya la dhihi jiray ayaa madaxa naga gashay, Timaha in aan iska xiirno ( murux) ma rabno, Tima jarana lacag uma heysano, mar mar annaga dhaxdeena ayaa isku jari jirnay timaha, Juuc iyo Arradna waa iska jireen baladka. FS 3aad.

Hal shaati oo kaliya ayaan lahaa oo aan ku dhigto Dug/ dhexe ee Xamar Jab jab Magaaladana aan ku joogo oo aan la iska bedelin. Ardayda qaar ayaa maalin kasta soo labisan jiray shaar ka duwan kii shalay, qaarna break time- ka ayeey soo dhar bedelan jireen. Halkaa shaar waxaan Subaxdii ku dhigan jiray Dug/dhexe ee Xamar Jab jab.dharku qaali ayuu ahaa Huu daayna ma jirin, lacagna si fudud waqtigaa laguma heli Karin.

Kacaankii ayaa keenay School uniform/ shaarkii midabkiisu Jaallaha ahaa ee Dugsida dhexe(Uniform-kii ceebteena ayuu asturay) . Ardayda qaar ayaa lahaa dhoowr shaar oo ay isku bedbedeshaan, laakin annigu sida kuwii ila midka ahaa 4 tii sano ee Dugsiga dhexe hal shaar ayaan ku dhameysanay , markii uu cadaado ama uu midab doorsoomo, Budada "Sacfaraanka” ayaan ku qasi jiray oo aan ku dhax dhaqi jirnay kuna dhax barii jirnay habeenkii oo dhan, si midabkiisu u soo nuuro.

Halkaa shaar waxaan Subaxdii ku dhigan jiray Dug/dhexe ee Xamar Jab jab, Galabtiina Dugsi kale oo lagu barto Afka Ruushka oo ku dhegenaa Hotel Juba ,Habeenkiina Dugsi lagu barto Afka Jarmalka . Saddaxdii isgoolba waxaan ka qaatay Shahaado, si aan Dugsi sare u bilaabo anniga oo 5 luuqadood wax ka aqan. kadibna Dugsi Sare "Kolleej” ayaan u aaday Jowhar (American Mennonite Mission).

Rafaadkii Xamar kama wada sheekey karo, in aan been sheego oo aan kuu faanana ma rabo.

3- Now.. wixii hore waa laga soo gudbay, Hadda sida Facebook wax luugu qoro ayaan aqaan, Adiguna sida Facebook loo aqriyo ayaad taqaan. FS 4aad. Sow ilbax uma eki ?, baladkana iskama celi karo. Iga qaleey nooh, ii codey nooh.

Maya, maya , waa la ceeboobay ee haba ii codeyn inta Before & After-ka dalkeygu sidaan u taal… FS 5aad.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip