Neymar Jr Oo Qirtay Inuu Ka Qoomameeyay Go'aankii Uu Kaga Baxayay Barcelona

0
Saturday April 27, 2019 - 22:17:03 in Wararka by
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar Jr Oo Qirtay Inuu Ka Qoomameeyay Go'aankii Uu Kaga Baxayay Barcelona

    Weeraryahanka Paris Saint Germain Neymar Junior ayaa si layaab leh u qiray inuu ka si dhaqso leh uga qoomameeyay go'aanka uu kaga baxayay Barcelona, isla markaana ay jirtay inuu ku fakaray inuuba kooxda weydiisto inuu iska sii joogo. Xiddigaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Paris Saint Germain Neymar Junior ayaa si layaab leh u qiray inuu ka si dhaqso leh uga qoomameeyay go'aanka uu kaga baxayay Barcelona, isla markaana ay jirtay inuu ku fakaray inuuba kooxda weydiisto inuu iska sii joogo. Xiddigaan reer Brazil ayaa noqday (ilaa iyo haddana ah) xiddiga ugu qaalisan dunida maadaama uu lacag dhan 222 Malyan oo Yuuro ku aaday Paris Saint Germain sanadkii 2017, wuxuuna kaga dan lahaa inuu ka baxo hooska Lionel Messi


Si kastaba 27-jirkaan ayaan guulo waaweyn oo maxaliga ka baxsan la gaarin kooxdiisa, waxeyna laba jeer uu ka tirsanaa ku fashilmeen iney dhaafaan wareega 16-ka koobka horyalada yurub, Real Madrid iyo Man United ayeyna ku baxeen.

"Waxaan uga tagay sababtoo ah waxaan doonayay tartan cusub, tartan aan ku hanto wax cusub, si aan u helo tijaabo cusub” ayuu yiri Neymar Junior isagoo la hadlayayFox Sport

"Barcelona waa koox mar walba i farxad galisa, waa koox aan ilaa iyo maanta jeclahay, balse xiligaas waxaan doonayay wax cusub, waana sababta aan u go’aansaday inaan baxo”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip