SUUQA KALA IIBSIGA: Guardiola Oo Weerar Ku Ah Barcelona, Wuxuu Doonayaa Inuu Xagaaga Kala Soo Wareego Luis Suarez, Neymar Iyo Busquets.

0
Sunday February 07, 2016 - 12:24:11 in Sports News by
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Guardiola Oo Weerar Ku Ah Barcelona, Wuxuu Doonayaa Inuu Xagaaga Kala Soo Wareego Luis Suarez, Neymar Iyo Busquets.

    Wargeysyada Ingariiska waxaa maanta qabsaday in Pep Guardiola uu weerar ku yahay kooxdiisa hore ee Barcelona xagaaga soo socda, isagoo doonaya in qaar ka mid ah xiddigaha kooxdiisa hore inuu keensado Etihad Stadium si uu Man City uga dhigo awood ka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeysyada Ingariiska waxaa maanta qabsaday in Pep Guardiola uu weerar ku yahay kooxdiisa hore ee Barcelona xagaaga soo socda, isagoo doonaya in qaar ka mid ah xiddigaha kooxdiisa hore inuu keensado Etihad Stadium si uu Man City uga dhigo awood ka dhex muuqata kooxaha Yurub.

Wargeyska Sunday Mirror ayaa qortay saaka in Pep Guardiola uu ka dhigi doona Luis Suarez diiradiisa koowaad ee xiddigaha uu keenayo Manchester City. Guardiola ayaa weli shan bilood u jira inuu si rasmi ah u qabto Man City laakiin waxa uu durbaba raadinayaan inuu bedelo qaab dhismeedka kooxda marka uu dhaxlo Manuel Pellegrini.

Waxaana uu ku amri doonaa kooxdiisa cusub inay la soo wareegaan weeraryahanka Barcelona Luis Suarez xagaaga, inkastoo ay ku qaadan doonto lacag ka badan 40 milyan ginni in lagula soo wareego xiddig 30 sanno jir noqonaya sannadka soo socda.

suarez-man-city-shirt

Suarez ayaa qeyb ka ah weerarka seddex aflaha Camp Nou ee laga baqo oo ay kula jiraan Lionel Messi uyo Neymar, waxaana uu ku faraxsan yahay inuu ciyaarayo kubadiisii ugu fiicneyd waayihiisa ciyaareed.

Dhanka kale jariirada Mail on Sunday ayaa qortay in Guardiola uu sidoo kale heshiis 150 milyan ginni ah kula soo wareegi doono xiddigaha Barcelona ee kala ah Neymar iyo Sergio Busquets. Labada xiddig ayaa waxaa qandaraaskooda Barcelona ka harsan muddo labo sannadood ah.

Iyadoo aysan macquul u aheyn inuu la soo wareego Lionel Messi, Guardiola ayaa u jiheysan doona Neymar oo la filayo inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gaara 100 milyan ginni ama dhaafa, iyagoo Busquets lagu qiimeynayo lacag ka yar 50 milyan ginni.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip