Sawirro:-Isu-Soobax Roobdoon Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo
Madaxweyne ku-xigeenka labad ee dowlad goboleedka Jubbaland,guddoomiyaha Baarlamaanka golayaasha Jubbaland iyo boqolaal Shacab ah ayaa u soo bannaan baxay roob doon alle lagu weydiisanayo in shacabka Soomaaliyeed ugu deeqo raxmadiisa Khmaiistii.
Shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa si weyn ugu soo bannaan baxay roob-doonka,waxaana Kismaayo ay Khamiistii ka duwaneed maalmihii hore.
Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo ayaa lagu tukaday Salaadii Roob doonka,waxaana Culumada iyo waxgaradku sheegeen in muhiim tahay in alle loo noqdo oo laga toobad keeno dambiyada.