Daawo:- Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Khamiistii tababar u soo xiray Ciidamo ay tababartay Dawladda Turkiga

0
Friday April 19, 2019 - 16:45:11 in Wararka by
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:- Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Khamiistii tababar u soo xiray Ciidamo ay tababartay Dawladda Turkiga

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Kahmiistii tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB. Ururka Gorogor oo ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Kahmiistii tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB. Ururka Gorogor oo ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto, ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada Turk-Som ee maanta ay ka dhacday munaasabadda qalin jebintooda iyo gudaha dalka Turkiga, waxaana loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen.


Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip