Wariye Coldoon oo laga wareejiyey Xabsiga uu ku xirnaa
Wariye Cabdi Malik Muuse Coldoon ayaa xalay ciidamada Booliska Soomaaliland waxa ay ku xireen Xabsi ku yaalla Magalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer,balse saakay Xabsigaas laga wareejiyey.
Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa waxaa ay sheegeen in saakay markii ay booqasho ugu tageen lagu wargeliyey in loo wareejiyey Xabsi ku yaalla Magalada Hargeysa.
Laamahaa mniga Soomaaliland weli mashaacin sababta ay u xireen Wariye Coldoon, hayeeshee ay horay u jirtay warqad Maxkamadeed oo amreysay in wariyaha lasoo xiro.
Horay ayaa Wariyahaas dhowr jeer loo xiray, kadibna la xukumay wallow markii dambe lagu soo daayey cafis Madaxweynaha Soomaaliland oo uu xiligaas ahaay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.