Dhageyso:-Dhibaato ka dhalatay Go'doon saaran Magalada Marka & Maamulka oo ka hadlay

0
Thursday April 18, 2019 - 10:13:35 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Dhibaato ka dhalatay Go'doon saaran Magalada Marka & Maamulka oo ka hadlay

    Maamulka Cusub ee Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyeen go'doon ay Al-Shabaab saareen Magalada Marka taas oo dhibaatooyin cusub ku keentay Shacabka ku nool Magalada Marka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Cusub ee Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyeen go'doon ay Al-Shabaab saareen Magalada Marka taas oo dhibaatooyin cusub ku keentay Shacabka ku nool Magalada Marka.

Guddoomiyaha Cusub ee degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay in Magalada Marka ay xilligaan ku sugan tahay meeshii ugu xumeyd,isla markaana burbur baahsan ay ka jirto Magalada sidoo kalena ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Isaga wareysi siinayey Idaacadda Risaala ee Magalada muqdisho ayuu sheegay in Magalada Marka ay Al-Shabaab ka go’doomiyeen labada dhinac, sida deegaanada Jilib Marka iyo Gandarshe iyo sidoo kale dhinaca degmada Shalaanbood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Magalada Marka ay ku sugan yihiin ciidamo farabadan oo awood leh,hayeeshee kaliya ay u baahan yihiin in amar la siiyo si ay Al-Shabaab ula dagaalamaan,waxaana Madaxda Dowladda uu ugu baaqay inay iclaamiyaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay soo martay dagaalo laba weji ah sida kuwa u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo isku heysay gacan ku heynta Magalada iyo kuwa u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip