Akhriso: Xidigaha ugu cad cad Abaal Marinta Xidiga Sanadka
Halyaygii hore ee kooxda Liverpool isla markaana ah khabiirka Sky Sports ee Graeme Souness ayaa sheegay in Raheem Sterling uu hadda siin lahaa abaal marinta xidiga sanadka Premier league ugu fiican kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kulankii Crystal Palace.
Graeme Souness oo markii hore aan aaminsanayn in Sterling uu u qalmo ayaa go’ankiisii badalay wuxuuna hadda iska indho tiray Virgil Van Dijk oo ay khabiiro badan aaminsan yihiin in uu yahay xidiga inta ugu badan u qalma abaal marintan.
Gary Neville oo isna Sky Sports ka hawl gala ayaa sheegay in aynu wax shaki ahi ku jirin in Van Dijk uu yahay xidiga sanadka ee Premier league ugu fiican balse hadda Graeme Souness ayaa aaminay in Sterling uu ka horeeyo Van Dijk.
Raheem Sterling waxa uu soo dhaliyay 17 gool oo Premier league ah, halka Van Dijk uu soo awooday in uu 18 kulan shabaq nadiif ah garoonka kala baxay waana labada arimood ee labadan xidig inta ugu badan lagu kala qiimaynayo iyo waliba xogta saamaynta guud ee ay kooxahooda ku yeesheen.
Akhriso: Xidigaha ugu cad cad Abaal Marinta Xidiga Sanadka
Xidigaha kooxaha Liverpool iyo Manchester City ee Virgil Van Dijk iyo Raheem Sterling ayaa saxaafada Ingiriisku u buun buunisay in ay yihiin labada xidig ee xili ciyaareedkan ugu cad cad ee uu midkood ku guulaysan karo abaal marinta xidiga sanadka ee