Sawirro:-Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Nepal Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
Monday April 15, 2019 - 11:12:17 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Nepal Iyo Khasaaro Ka Dhashay

    Saraakiisha dalkaasi waxay sheegeen inay 3 qof geeriyootay, 5 kalena ku dhaawacmeen, kadib markii ay Diyaarad yar oo ka baxday dhabaha ay Diyaaradaha soo caga-dhigtaan ay ku dhacday 2 Diyaaradshs Helikopter oo xilligaasi ka duuli lahaa Garoon ku yaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha dalkaasi waxay sheegeen inay 3 qof geeriyootay, 5 kalena ku dhaawacmeen, kadib markii ay Diyaarad yar oo ka baxday dhabaha ay Diyaaradaha soo caga-dhigtaan ay ku dhacday 2 Diyaaradshs Helikopter oo xilligaasi ka duuli lahaa Garoon ku yaalla meel ku dhow Buuraha Himilaaya ee dalkaasi.

 
Shilkaasi waxa uu shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradda ee Lukla Airport oo ah Garoonka ugu dhibka badan caalamka ee dhanka ka duullista ama ku-degista Diyaaradaha adeegsada Garoonkaasi.

Sarkaal lagu magacaabo Ema Nath Adhikari oo ka hawlgala Garoonkaasi ayaa sheegay in Diyaaradda burburtay nooceedu ahaa Let 410 ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Summit Air oo xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Nepal ee Katamandhu.

Sarkaalka oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in Duuliye-ku-xigeenkii Diyaaradaasi iyo Sarkaal Boolis ay ku geeriyoodeen isla goobtii uu shilku ka dhacay, halka Askari kalena ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla caasimadda dalkaasi, sida uu xaqiijiyey Afhayeenka Boliska dalkaasi.

Lama garanayo waxa sababay shilkaasi, iyadoo Garoonka Lukla airport ay inta badan isticmaalaan Dalxiisayaasha iyo dadka fuula dhakadda Buuraha ku yaalla Gobalka Everest ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Diyaarad Helikopter oo Bishii Feberaayo ee sannadkan ku burburtay Bariga Buurta Himilaaya waxaa ku geeriyootay 7 qof oo uu ku jiray Wasiirkii Dalxiiska ee dalka Nepal.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip