DUMARKA INTEE IN LE'EG AYEY SIRTA HEYN KARAAN? *DARAASAD*.

0
Friday February 05, 2016 - 16:04:33 in Maqaallo by
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DUMARKA INTEE IN LE'EG AYEY SIRTA HEYN KARAAN? *DARAASAD*.

    Daraasad dhanka cilmiga bulshada (SOCIAL SCIENCE) ah oo Maraykanku sameeyeen ayaa muujisay in haweenku hayn karaan sirta wax ka yar 38 saacadood, badankooduna ay sirta u gudbiyaan dad aanay khusayn oo aan danaynayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasad dhanka cilmiga bulshada (SOCIAL SCIENCE) ah oo Maraykanku sameeyeen ayaa muujisay in haweenku hayn karaan sirta wax ka yar 38 saacadood, badankooduna ay sirta u gudbiyaan dad aanay khusayn oo aan danaynayn.

Drs Margaret Powell oo ku takhasustay cilmiga bulshada kana hawlgasha jaamacadda Michigan ee Dalka Maraykanka ayaa qortay warbixin dheer oo ay ugu magac dartay ‘Haweenaydu waa wakaaladii warareed ee ugu qadiimsanayd caalamka’ ayaa waxay ku sheegtay in haweenaydu sirta xafidi karto muddo 38 saacadood ah ugu badnaan, iyadoo daraasadda oo laga sameeyey ilaa shan boqol oo haween ah oo u dhashay wadanka Masar da’dooduna u dhexayso 18 ilaa 60 sanadood ay haweenku ictiraafeen in aanay hayn karin sir ay ogaadeen si kastoo ay sirtaasi u tahay mid shaqsiyadeed ama mid khatari ku lammaan tahay.image

Daraasaddu waxay caddaysay in haweenku sirta u gudbiyaan cid aan danaynayn oo aan wax xidhiidh ah la lahayn mowduuca ay sirtu ku saabsan tahay , iyagoo sadex dalooloow labo dalool oo haweenkaasi ka mid ahi ay dareemaan inay dembi galaan ka dib marka ay sirta bixiyaan. Daraasadani dhanka kale waxay muujisay in adeegsiga taleefoonada iyo Internet-ku ay sii kordhiyeen bixinta siraha aadamaha, laakiin haweenka ku nool meelaha baadiyaha ah ee wadankaasi masar ay sirta ku bixiyaan badanaa meelaha beeraha ah.

Dhanka kalena waxaa jira baaqyo iyo fikrado kala duwan oo aan bixinta sirta, iyo xafidaadeeda u kala saaraynin ragga iyo haweenka, tusaale ahaan Haweenayda lagu magacaabo Murawa Ruffaaci oo macalimad ka ah Jaamacadda Xilwaan ee magaalada Qaahira waxay aaminsan tahay in bixinta sirtu ku xidhan tahay tarbiyadii uu qofka bani’aadamka ahi helay xiligii caruurnimadiisa, waxana iyada oo arintaa ka hadlaysa ay tidhi: ‘ Hadii qofku ku dhashay oo ku barbaaray deegaan ay ka jirto kanaa yidhi & waxaa la yidhi, waxa uu noqonayaa oo la qabsanayaa inuu bixiyo sirta uu ogaado” wxana ay macalimadu sheegtay in caruurtu yihiin kuwa ugu xafidaada badan sirtooda weliba sanado badan, laakiin kuwa bixiya sirta ee kashifaa ay yihiin dadka looga baahan tahay xafidaadeeda.

xigasho:-somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip