Sidee deyn 5 bilyan oo doolar ah loogu yeeshay Soomaaliya?

0
Friday April 12, 2019 - 21:14:58 in Wararka by
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee deyn 5 bilyan oo doolar ah loogu yeeshay Soomaaliya?

    Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha uu caalamka ku leeyahay, basle waxaa su'aalo badan la iska weydiinayaa sida ay lacagahaas u kordheen waqtigii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe. Ra'iisul wasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha uu caalamka ku leeyahay, basle waxaa su'aalo badan la iska weydiinayaa sida ay lacagahaas u kordheen waqtigii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe. Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, isagoo la filayo inuu kulamo la yeesho mas'uuliyiinta bangiga adduunka iyo hay'adda lacagta adduunka ee IMF, tallaabadaas oo qeyb ka ah dadaalka ay dowladda ugu jirto sidii xal loogu heli lahaa culeyska deymaha, oo hadda gaaray heer aysan Soomaaliya iska bixin karin.

Deynta ay Soomaaliya qaadatay xilligii uu dalka ka jiray xukunkii kacaanka ayaa loo adeegsaday mashaariic kala duwan oo la gudagalay wixii ka dambeeyay 1970-meeyadii.

Bogga looga faalloodo xaqiiqooyinka caalamka ee Index Mundi ayaa lagu daabacay sida uu qiimaha deynta isku baddalay 40-kii sano ee aan la bixinin gudahooda.

Qiyaastii $70 milyan oo doolar ayey lacagtaas ahayd sannadkii 1970-kii halka sannadkii 2011-kiina ay mareysay $1.6 bilyan oo doolar, sida lagu qoray bogga Index Mundi.

Hase ahaatee hadda waxaa deynta Soomaaliya lagu leeyahay lagu qiyaasayaa 4.6 bilyan oo doolar.

Waxay dad badan dareensan yihiin in dulsaarka sannad walba fuulayay uu ka batay qiimihii asalka ahaa ee deyntaas.

Maxamed Nuur Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in deymahaas intooda badan ay dowladdii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre qaadatay intii u dhaxeysay 1980-kii ilaa 1990-kii.

"Waxaa deynta inteeda badan la qaatay markii ay dowladdii Siyaad barre u wareegtay hannaanka hanti goosadka, wuxuu madaxweynuhu heshiisyo lasoo galay bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta ee IMF, waxaana dalka la keenay mashruucyo ay ka mid ahaayeen horumarinta beeraha, ka faa’iideysiga xeebaha iyo kuwo kale”, ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: "Lacagta deyn ahaanta loo qaatay waxaa ka badan dulsaarkeeda, 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa kusii kordhayay dulsaar, mas’uuliyiinta dowladda ma aysan sheegin wajiyada ay kala leedahay deynta laga cafinayo iyo nooca ay tahay”.

Shuruudaha ku xidhan in deynta la cafiyo

Dhanka kale Caalin ayaa sheegay in cafinta deynta ay ka horreeyaan tallaabooyin laga doonayo in dowladaha ay qaadaan.

"Shuruudaha ugu horreeya ee adduunyadu ay martay, tusaale ahaan waddanka Afqaanistaan, oo deynta qeyb ka mid ah laga cafiyay, waxaa ka mid ah in musuqmaasuqa la xaddido, in la helo dastuur uu waddanka leeyahay oo uu ku cadyahay hannaanka canshuuraha, iyo in waxa lagaa cafinayo ay tahay qeyb ka mid ah, qeybta kalena lagaa rabo inaad awood u yeelatid, ma jirto deyn dhammaanteed la wada cafinayo”, ayuu yidhi.

Sanadihii ugu dambeeyay waxay xukuumadda u xusul duubeysay in xal loo helo dhibaatada deynta, balse wali ma jirto tallaabo la taaban karo oo horumar looga sameeyay arrinaas. Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip