Cali waxaa uu la Nool yahay Xanuunka HIV/ AIDS Hadana wuxuu Caawiyaa Saaxiibadiisa

0
Monday April 08, 2019 - 23:09:07 in Wararka by
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali waxaa uu la Nool yahay Xanuunka HIV/ AIDS Hadana wuxuu Caawiyaa Saaxiibadiisa

    Soomaaliya waxaa Dadka Xanuunka HIV/AIDS qaba ka yihiin 1% waxa Magaalada Muqdisho dadka Daawada qaata ay qaarayaan 1500 oo qof waa inta Banaanka iskeentey oo sheegatey Xanuunka waxaa jira dad si qarsoodi ah daawada loo siiyo. Sidaa darteed Cali C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya waxaa Dadka Xanuunka HIV/AIDS qaba ka yihiin 1% waxa Magaalada Muqdisho dadka Daawada qaata ay qaarayaan 1500 oo qof waa inta Banaanka iskeentey oo sheegatey Xanuunka waxaa jira dad si qarsoodi ah daawada loo siiyo. Sidaa darteed Cali Cabdi Maxamed waxa uu Xanuunkaas la noolaa in ku dhow Toban sano. Waxaa ii suurta gashey in aan kula kulmo Siminaar looga hadlayey Xaalada Dadkaas Sadexdii Bilood ee Sannadkaan, waxaa soo qaban qaabiyey Gudiga ka hortaga Xanuunka HIV/AIDS ee Koonfurta iyo Bartamaha SCAC ,

Cali waxaa haatan la taliye uu ka yahay Isbitaalka Banaadir qaybta HIV/AIDS WUXUUNA Xubin firfircoon ka yahay Urur ay leeyihiin dadka qaba Xanuunkaas mar uu hadlayey waxaa uu yiri " Aad baan ugu qanacsanahay xanuunkaan maadaama uu Xag Alle iga yimid hase yeeshee waxaan mar walba Niyada u dhisaa kuwa Xanuunkaas uu ku dhacay oo aan siiyo Talooyin iyo waaya aragnimadeyda "

Cali waxaa uu sheegey in ay ayaandaro tahay in Dhaqaatiir Xirfadlayaal ay Faquuqaan dadkaas halkii laga rabey in ay si siman u qaabilaan Dhamaan Bulshada Xanuunada qabta. Cali oo nin shaqo badan mar aad aragto waxaa uu mar waliba uu Caawiyaa dadka qaba Xanuunkaas oo uu sheegey in qofkii sida la rabo uu u qaato daawada Xanuunkaas uu noolaan karo Muddo dheer hadii uu eebe Idmo



Sidoo kale waxaa uu aad uga Xumaadey sida loo burburiyey Xarun ay daawada ka qaadan jireen Boqolaal Bukaan ah oo qaba xanuunada TB iyo HIV oo ila hada wax Talaabo ah laga qaadin dadkii dhibaatadaas geystey

Sidoo kale waxaa uu Walaac ka muujiyey sida ay Isbitaalada qaar u faquuqaan dadka Xanuunkaas qaba oo ugu dambeysey Haweeney Fool ahayd oo weysey meel ay ku dhasho ka dib markii loo diidey Sadex Isbitaal in la qaabilo, taasoo Aakhirkii ay dhashey Canug Meyd markii ay u tagtey Umuliso Dhaqameed

Cali waxaa uu u soo jeediyey dadka weli qarsanaya xanuunkaas in ay yimaadaan Goobaha Caafimaadka si ay u qaataan daawooyinka sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey dadka kale ee iyana dibadaha ku sugan ee qaba xanuunka HIV/AIDS in ay la soo Xiriiraan haddii ay Guurdoon yihiin isagoo sheegey in ay u hayaan Haween xanuunkaas qaba maadaaama aan aniga aan guursadey Gabar qabta Xanuunkaas, waana Ilaah Mahadii waxaa uu sheegey in ay u joogaan caruur ka fayow Xanuunkaas Sidoo kale waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyey in aan la Faquuqin dadkaas maadaama Bulshada ay soo dhaweystaan Xanuuno badan oo ka Ka kharsan Cudurka HIV/AIDS

Anigoo ka Faaiideysanaya Fursadaan waxaa Mahad Balaaran u jeedinayaa Amiin Yuusuf Khasaaro oo wax badan u qabtey Dadka la Nool xanuukaas oo Xitaa suurtageliyey in Dad Dibadaha ku nool in ay is Guursadaan markii uu wareystey Gabdho xanuundaas la Nool oo ku sugan Dalka oo maanta isku dhalaya Caruur caafimaad qabta

Sidoo kale Cali waxaa uu sheegey in in uu weli Heegan u yahay in uu inta uu nool yahay uu sii wadayo wacyigelinta xanuunkaas maadaama ummada Soomaaliyeed aysan weli u Bislaan waxa uu yahay Xanuunkaas halka Dunida dadka qaba ay ku nool yihiin Farxad iyo reyn reyn
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Tel 00252615532494

Cali Cabdi Maxamed
Kala Xiriir
Tel 0025261 0615908291

xigasho:somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip