Kooxda Man United oo lumin doonta Xidig Caan ah
Kooxda Manchester United ayaa ku dhaw luminta xiddiga ay jecel yihiin jamaahiirta kooxdeeda ee Ander Herrera kaas oo kusii dhawaanaya ku biirista kooxda ree France ee Paris Saint-Germain oo u muuqata mid waxkasta u samaynaysa helistiisa.
Wargeyska Canal+ oo ah midka warkan shaaciyay ayaa sheegaya inuu haatanba dhacay is af-garad iyo heshiis hordhac ahi isla markaana ay xiddiga iyo Paris wax isku fahmeen.
Wariye Geoffroy Garétier oo ah midka warkan tabiyay ayaa yidhi "Wali lama saxeexin sababtoo ah lama saxeexi karo ilaa suuqa xagaagu si rasmi ah u furmayoā€¯
Herrera ayaa dhawaan sheegay inuusan ahayn shaqsi kasoo jeeda England ama magaalada Manchester balse uu jecel yahay kooxda, Iyadoo ay sidaas tahay ayuu hadana u muuqdaa mid qaab xor ah ku bixi doona suuqa xagaaga.
Man United iyo maamulkeeda ayaa diiday inay Herrera u qoraan mushaharka uu doonayo ee ah 12-ka Milyan ah Sanadkii waxaana ay taasi dhalinaysaa in wax heshiis ah uusan qabsoomin.
Taa bedelkeeda Paris Saint-Germain oo doonaysa inay xoojiso khadkeeda dhexe ayaa lagu soo warramayaa in heshiiska ay haatan Herrera la gaadhay uu yahay mid ay ku siinayso sanadkii 12.1 Milyan.
Kooxda Man United oo lumin doonta Xidig Caan ah
Kooxda Manchester United ayaa ku dhaw luminta xiddiga ay jecel yihiin jamaahiirta kooxdeeda ee Ander Herrera kaas oo kusii dhawaanaya ku biirista kooxda ree France ee Paris Saint-Germain oo u muuqata mid waxkasta u samaynaysa helistiisa. Wargeyska C