JID-CUSUB, Falaqeynta GASO, GANUUN iyo GASIIN W/Q:- Dr, Cabdirashiid M. Ismaaciil

0
Sunday April 07, 2019 - 21:45:22 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JID-CUSUB, Falaqeynta GASO, GANUUN iyo GASIIN W/Q:- Dr, Cabdirashiid M. Ismaaciil

    Gaso, Ganuun iyo Gasiin, markaan buugan qacanta ku dhigay, erey kasteba waan dul istaagay. Dhowr daqiiqadood ayaan maanka ku ruxay, si wax uga soo baxaan. Haseyeeshee, waxba way ka soo dhiiqi wayday. Galka buugga qaybtiisa dambe ayaan u rogay, ishaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaso, Ganuun iyo Gasiin, markaan buugan qacanta ku dhigay, erey kasteba waan dul istaagay. Dhowr daqiiqadood ayaan maanka ku ruxay, si wax uga soo baxaan. Haseyeeshee, waxba way ka soo dhiiqi wayday. Galka buugga qaybtiisa dambe ayaan u rogay, ishaan la raacay falaqaynta kooban ee buuga : « Buug-suugaaneedkan xambaarsan sheekada la magac-baxday Gaso, Ganuun iyo Gasiin oo uu ku fara yaraystay Cali Jimcale Axmad, waxaa lagu tilmaami karaa waa cusub oo u beryey fanka sheeka-qorista Soomaaalida. » Waxaa na faalayntaa ka jeedinayaa Hal-abuuraka caanka ah ee saxiibkay Maxamed Dahiir Afrax. Nin khibrad weyn u leh hab-qoraalka iyo suugaanta soomaaliyeed ba. Haseyeeshee, Gaso, Ganuun iyo Gasiin, weli waxba iigama cadcadda, wax aanan ahayn malayn iyo mala'awaal. Qoraaalkii gaabna ayaan si watay : « Waa sheeko hodan ku ah aqoon ballaaran iyo erayo dhumuc weyn. Waa sheeko jiika cusub indhaha u furaysa, hal-abuurka Af-Soomaaliga wax ku qorona waddo cusub u jeexaysa. Waddo jid-bixyeenimo oo ka duwan tii la isla yiqiin. »

JID-CUSUB, Falaqeynta GASO, GANUUN iyo GASIIN

Jid-Cusub

Waxaan is weydiiyay, ma ereyo madax-u-salaax baa misee wax baa ka jira ? Waxaan is idhi haddana, aanoo og aqoon suugaaneedka iyo hab-qoraalka Maxamed Dahir Afrax, erayadan buubuunis ma gali karaan, waayo waa ereyo micnohoogu cad yahay. Anoo weli saluugsan falaqaynta oo sugayaa wax uun ii iftiimiya ereyadan ciwaanka buugga ka tirsan, ayaan sii watay akhriskii : « Waa isku dhaf sheeko-tabin, hal-abuurnimo, aqoon-tabin macallinnimo, is xusuusin sooyaalkii …Af-Soomaaligu hodan ku ahaa, ee in badan oo ka mid ah ay ka baxeen ama ka sii baxayeen qaamuuska Af-Soomaaliga maanta lagu hadlo, sida qacda horeba laga dhadhansan karo magaca sheekada ‘Gaso, Ganuun, iyo Gasiin’. » Markaas ayaan fahmay in ereyadan « Gaso, Ganuun, iyo Gasiin », ay yihiin ereyo in Baraf. Cali Jimcaale Axmed uu ka soo xulay Af-Soomaali tegay, ama sii socda. Waa kow.

Haddii ay dadku yaqaaneen sheeko meel ka bilaamata meelna ku dhammaata, sheeko qofna tiriyo qofna dhagaysto, sheeko uu qofka tirinaya iyo qofka qalinka ku duugaya ay mid ahaadaan ama meel qudha ay ka soo jeedaan, sheekada Gaso, Ganuun iyo Gasiin, xeerarkaas way wada jebinaysaa. Sidaa darteed, buuggan markaan gudo galay oo iridii ciwaanka aan xarbi ku soo dhaafay, hirdan kale ayaa markii ii bilaamatay, oo laba goor ayay sheekadu barxadii loolanka ay iga soo tuurtay. Qoruhu wuu ugu tala galay inuu akhristahu loolankaas la galo, isga oo sugaya in akhristuhu dadaal muujiyo si uu u maalo buugga aqoonta ku ladhan. Waa tii hore loo yidhi : « nin aanan shaqaysan shaah ma cabo. » Waa laba.

Markuu cutubkii u horeeyay ii dhammaaday baan ku dhacay wadadii cadeed ee sheekada. Cubtubkan hore, labada dacal ee sheekada ayuu isku xidhayaa, markuu dacal kaa maqan yahay, fahanka akhristuhu wuu dhantaalan yahay, haseyeeshay markuu dadaal muujiyo oo uu sheekada dhammaysto, buu u bogayaa xirfada qoraha iyo hoggaankiisa. Waa dhab, Qoraa Cali Jimcaale Axmed waxa uu hindisay hab-qoraal ku cusub qoraal-sugaaneedka Soomaalida. Hab-qoraalkuna waxa uu ka marag furayaa qoraha iyo baaxadda fikirkiisa, waa arrin aan ku soo laami doono.


Maxaay kale oo ku cusub buuggan oo tusaalaynaysa baxaada fikirka qoraaga ? Cali Jimcaale waa sugaan yahay, tifaftire, falanqeeye , bare Jaamacadeed, cilminafsina, haddii uunan ku takhasusin, waayo-arganimo iyo khibrad inuu u leeyahay ayaad ka dheehanaysaa buugiisa. Oo waa ka na leh dhimirka ayaa « kuu horseeda in aad wax leggeddo ama dibir lagugu harfaco. »

Qoraagu ayuu yahay ? Ayuu u qorayaa ama la hadlayaa ? Maxayse ujeediisu tahay ? Waa su’aalo had iyo jeer uu akhristu is weydiiyo, haseyeeshay qoraaga dhaafsiisan amaba uusan isweydiin. Waa farqiga u dhexeeya qoraaga iyo akhristaha. Buugga oo uu akhristuhu weli kala furin ayuu magaca qoraagaa, iyo deegaanka uu ka soo jeedo, iyo ciiwaanka buugga oo qudha micne ka daalacanayaa, lugumana eedayn karo. Waxase xidhmay ama xidhmaya fikirkii akhristaha…oo ku hadhay « mid walba waxa uu qoraa waxa uu yahay »…Oo tolow, « maxaa uu qoru yahay ?…Maxaase la yahayba ? » Cali Jimcaale, waxaa uu mararka qaarkii, si debecsan, haseyeeshe durugsan, u tusayaa sida qalinku uu leeyahay awood dhaafsan maan qoraaga oo marmarka qaarkii uu is wado…Immisa goor ayuu qalinku uu la foof tagaa qoraaga…uu kanu dib, xarbi ugu soo cesha, marmarna uu iska raaca…Xarbigaas Qoraha iyo qalinka u dhexeeyana sheekadani way ka waramaysaa.

Buuggan waxa kalee la moodaa, dib iyo dacal, gun iyo guud ba, innuu u xarbiyayo furintaanka maskaxdaa xidhan tahay…oo tusaale u yahay is maan dhaafka akhristaha iyo qoraaga, taaso ku lug leh is aaminaada iyo isku kalsoonida luntay. Hadaba, qoraaga buuggan Gaso, Ganuun iyo Gaso, waa kuma ? Ma kan uu buugga dhexdiisa uu akhristuhu kula doodayaa, mise waa kan magaca buugga sita ? Maxaase u dhaxeeya labada qore ? Qofka qoraagu ma dhalasho ayuu xayndaab ugu jiraa ? Qoraaga xayndaaban iyo ka kale maxaa lugu gartaa ? Oo haddii akhristuhu isaguba xayndaab uu ku jiro, sidee buu u garan karaa qoraaga baalasha furtay ? Cali Jimcaale, si koolikoolin ah ayuu rabaa innuu akhristuhu u soo raaco oo uu baalasha la furto, si uu ula safro, ay markaas aragti wadaagaan.

Si walba ha ahatee, qoraaga buuggan, ku doono ba ha ahadee, muraayad ayuu is hor dhigtay si uu isu fiiriyo oo iskula xisaabtamo. Muraayadaas waa akhristaha uu alifay oo su’aalo iyo aragtiyo gaar ah had iyo jeer la qaybsanaya qoraaga. Sheekooyin dhextaal ah, doodaha u dhexeeya sheekeeyaha iyo qoraaga, ama sheekeeyaha iyo akhristaha, oo mid walba boqol baad buugga ay u yeelayso, waa tusaalaynta fikirka ay sheekada ka soo maaxday, intuu le’eeg yahay… Aynu ka gudubno!

Weli guudka aynu ka joogno sheekada oo aynu in yar jaleecno dhinaca luqada lugu qoray Gaso, ganuun, iyo Gasiin. Waa luqadda sugaanaysan oo la mooda inay ka soo unkamayso Af-Soomaaliga jiradiisa, mid hore oo tegay : « Waxay noloshu kugu kalliftaa in aad naqtiimiso tab ama xeelad hore oo dayro noqotay ama u baahan gufeyn iyo malaas horleh oo habaysan. » Meel kale : « Waa tan hore u soo sheegay in nooloshu sideedaba tahay kaabi ama ufuq aad eryanayso ; waa sidaas waxa indhaha foolka loogu dhejiyey. In aad fahamto wixii tegay, in aad xisaabtanto, in aad ta’wiisho tagto iyo timaado adoo weli fijaankii ku horyaal… » Buugga waxa la mooda innu hal-ku-dhigo is daba jooga ka sameysan yahay. Luqad hufan iyo fikir baaxsan markay is haleelaan, waa intii salka u ahayd abwaanka dhabta ah.

Sheekada guunteedu waa ceel qofkaste oo u haraadan sooyaalkii soomaaliyeed, iyo fahamka dhiiladii ku timi gayiga soomaalida qarnigii la soo dhaafay uu kaga dhaalacan karo. Waa sheeko ka fog siyaasad kharimatay iyo dowlad burburtay, beelo isku dhacay iyo dad la dhacay, cadaalad luntay iyo qaraxyo dhiig qubay, waxba dul ahaan kuma laha arrimahaas…Reerka uu Sheekeeyuhu sheekadooda taxayo, waxa la yidhaa reer Jabaq, Jabaq oo ah curadka qoyska. Maaha, will inkaar qabo ah, oo waalidkii boobay, waa wiil « reerkiisa taakuleeya, ka damqada dhiifta iyo nolosha aan caasi ahayn, una beernugul hadalka ama weerta waalidkii. » Muxuu hadana abbihii uga dhaxlay magacii qoyska ? Sahankan qoyskan ka soo barakacay tuuladii ay degenaayeen oon dartii, maxay ahayd noloshii ay ku noolaayeen, maxay ka soo dhaxleen, maxay noqotay tan ay u soo booqooleen ? Nololi waa « keento, koolkooliso, kocbiso, kibriso, kufiso », haddii aanu hadalka qoraaha ka maroojisano. Reer Jabaq ma kibrin, wayse kufeen, debedeena hooyo ayaa u baxday, oo ula carartay duurkii…

Dhinac haddii aad ka eegto, waxaad is weydiinaysaa, sheekadan tolow ma sarbeeb baa, misee dhab ? haddana waxaad leedahay, sarbeeb way dhaafsan tahay ! Waa sheeko qaarkeen u soo joogeen, waa sheeko salkeeda iyo dulucdeeduba ay qaar u muuqannayso? Dhaqan guuray, dhul rogmaday iyo waxa rogay ayaa la moodaa inay uga waramayso si aqoon ballaadan (mid dhaqameed, mid aftahanimo, mid maan-garad) ku dheehan tahay. Hab cusub bay u dayaysaa waxa ku habsaday Ballad Saciid Maxaad Raage ay Reer Jabaq ka soo guureen. Waa run « mar mar waxaa loo baahanyahay in qalab kale loo adeegsado sidii loo arki lahaa kobta iyo mugga ooddinta aad la itaaldaran tahay. » Lakiin waa « qof iyo garashadii… » Markaas, arrinka ay sheekadu ka waramayso meel dheer buu ku laalan yahay, hase ahaatee waxaynu ogaanahay in « Kor waayeel indho wada yahay…Hadalna mergi yahay ». Markaa…Sheekoy, sheeko !

Sheekadan Gaso… mid gunteeda la gaadhi karo maaha, waa sheeko furan, Open work ! Ceel biyo leh guntiisa laysku ma hawlo, ee waa laga dhurtaa uun. Gaso, Ganuun, Gasiin, waa ceelkaas ay cilmiyahanada ka falooda qoraal-suugaaneedka ay ku naalloondoonaan, akhristayaashuna wax badan ka korarsan doonaan.

Ugu dambayn, qoraa Faransi ah oo falaqaynta suugaanta Afrika ku xeel dheer ayaa yidhi : « Soo noolaasha suugaanta Afrikada Madow waxay taariikhdeedu barbar socotaa taariikhda soo noolaasha Siyaasadeeda. Xeeladaha waawayn ee labadaa tariikh waa isku mid, mar Alli iyo mar walba oo damiirka siyaasadeed uu kaco, mar walba oo talaabo loo qaado dhinaca madaxbanaanida, waxa soo ifbaxa hal-abuur muujinayaa jid-cusub… " waxay ila tahay, sida uu Maxamed Dahir Afrax, soo sheegay, in Gaso, Ganuun, Gasiin ay taas tahay amba ay ka mid-tahay.

W/G : Dr, Cabdirashiid M. Ismaaciil Bare sare, Jaamacadda Jabbuuti




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip