Taariikha Degmada Buulaburte, Buulabarde, Buulaay ama Deebleey!!!

0
Sunday April 07, 2019 - 21:36:10 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikha Degmada Buulaburte, Buulabarde, Buulaay ama Deebleey!!!

    U gaar ah Reer Buulaburte:- Waagii hore waxaa loo yaqiin buuloburte (Buuladii bacaadka ), kadibna waxaa loo bixiyay buuloBarde (Barde) waa geed wabiga jiinkiisa ka baxo oo ay caan ku aheeyd magaaladu. Dadkii hore u deganaa waxa ay u yaqiineen magacy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

U gaar ah Reer Buulaburte:- Waagii hore waxaa loo yaqiin buuloburte (Buuladii bacaadka ), kadibna waxaa loo bixiyay buuloBarde (Barde) waa geed wabiga jiinkiisa ka baxo oo ay caan ku aheeyd magaaladu. Dadkii hore u deganaa waxa ay u yaqiineen magacya kale sida: Buulaay iyo deebleey . Magaalada waxaa mara wabiga Shabeelle,waxa ayna ku taal dhul aad u barwaaqa ah,kuna wanaagsan beeraha iyo Xoolahaba,waxaana ku hareereeysan deegaan ku haboon dalxiiska, waxeeyn muqdishou jirtaa 220km. Magaaladu waxa ay aad u camirantay intii u dhaxeeysay 1910-1950kii. waana magaalo halboowle u ah inta badan Gaadiidka isaga gudba Gobalada dalka,taa oo sababtay in ay noqoto Magaalo uu ka jiro ganacsi weyn. Ganacsigaa waxaa fududeeyay waddada Laamiga ah ee magaalada dhax marta oo la dhisay wax yar kadib Sannadkii 1930kii iyo Buundada oo dhismaheedu dhamaaday Sannadkii 1935tii.

Dadka reer Buulaburte waxa ay soo mareen dagaala fara badan oo ay kula dagaalameen,saddax isticmaar oo Ajnabi ahaa, waxaase ugu weeyna kii sannadkii 1922dii ku dhax maray Ciidamadii Talyaaniga iyo dadka deegaanka oo garab siinayay Sh. Xassan Barsame (ALLA ha u naxariisto) Dagaalkaa oo dad badan oo deegaanka ahaa uu gumeeysigu ku dilay,Talyaanigana looga laayay Ciidammo fara badan kuwaa oo markii dambe uu u dhisay Taallada loo yaqaan "Gorgorka” ee ku taal ka soo hor jeedka Masjidka weeyn ee magaalada.Reer buula burte waxa qayb weyn ay ka qaateen dhaqaalihii SYL ay ku howl bilaawday iyo halkankeediiba.

Sanadii 1950kii waxa soo degay Mennonite mission kii ka socday Kaniisadaha American ka oo ka dhisay Isbitaal weeyn oo ay iyagu maamulaan ,waxa bilaawday shaki ah in ay bilaabeen in ay dadka qaar ay barayaan diintooda, dhowr qof ayeeyna duufsadeen. Waxa ay qorsheeyeen in ay magaalada ka dhisaan Dugsi Sare Sannadkii 1963dii ,taa waxaa diiday qaar ka mid ah Dadkii deegaanka oo ka shakiyay . Hooygaa Digsiga Sare ( college ) oo markii dambe laga dhisay magaalada Jowhar,taa oo sababaty in heerka wax barasho ee Magaaladu uu ku koobnaado Dugsiya H/Dhexe wixii ka horeeyay sannadkii 1979kii.

Waqtiyadii dambe waxaa magaalada aad u kobaciyay, shaqaale farabadan oo dowladeed oo loo bedelay iyo Xerya ciidan qaran oo laga dhisay. Dadka Deegaanku oo ku caan ahaa in ayna dadka u kala soocin Qabiil ayaa sababtay in dad badan oo Gobalada dalka ka yimid ay aad u soo degaan, kala sooc la’aantaa oo mar hore ay bilaabeen culumadii deegaanka oo ka dhigay meel amaan ah.

Culumadaa oo Magaalada iyo magaalooyin kaleba ku aasaasay qaab ah Jameecooyin diineed sida Jameeco MUBAARAK , MUQTAARI iyo SHIIN kuwaa oo dadka lagu baro Qu’raanka iyo Fiqiga Shaaficiyada, Culumadii badneed ee halkaa wax ku soo bartayna waxaa ka mid ahaa: Macalim Ciise Aadan iyo Shiikh Rashiid Xaaji Xasan ( Alla Ha u wada Naxariisto). Jameecooyinka dhaxdooda ma jirin qof sheegan karo qabiil ,waxa kaliya oo uu sheegan karo waxa ay aheed Magaca Jameecada uu ka tirsan yahay.

Culumadaa hore waxaa ka soo qalin qaaday culumada waqtiyadii dambe oo 1950-1960 kii soo gaaray oo dadka qu’raanka bari jiray Sida: Macalim Ciise, Macalim Dhugdhug, Macalim Fuliwaa iyo Macalim Axmad (ALLA ha u wada naxariistee).

FG: waxaan u mahad celinayaa dhalin yarada iyo waayeelka deegaankaa ka soo jeedo gaar ahaan kuwa Qurbaha oo Burburkii kadib deegaanka ka bilaabay howlo Dayactir oo dib loogu dhisyo magaalada & guud ahaan deegaankaba.waxaa kale oo aan u mahad celinayaa intii hore wax uga qortay oo ajnabi iyo somaliba leh sida Sh. Xussen Sh. Cilmi iyo kuwa kaleba.

FG: Iga sax wixii aan ka qalday, ku dar wixii aan ka tagay mudadii aan qormadaan soo ururinayay, ileeyn anigu weligeey ma dhax istaagin Magaaladaa aadka u wanaagsan ee Buula burte, Arragtidaadu waa noo muhim.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip