Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Lugooyo Noqdey (QORMO)

0
Sunday April 07, 2019 - 21:28:59 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Lugooyo Noqdey (QORMO)

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,yaa mar kale martiqaad u diray Madaxda Maamul Goboleedyada inay bishan isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho, si uu uga dhaco shir Golaha Amniga Qaranka. Shirkan oo la sheegay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,yaa mar kale martiqaad u diray Madaxda Maamul Goboleedyada inay bishan isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho, si uu uga dhaco shir Golaha Amniga Qaranka. Shirkan oo la sheegay in qorsheeyay inuu dhaco 19-23 April, ayaa looga hadli doonaa Amniga Qaranka, xoojinta xiriirka dowladda Federaalka dowlad goboleedyada, dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, sida uu Bartiisa Twitter-ka kusoo qoray La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali.

Maxaa kala Socotaa Qorshaha Shirkan iyo Xilligii u dambeysay ?

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah, ayaa markii ugu dambeeysay ka qabsoomaybishii June ee sanadkii hore, Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wixii Intaas ka dambeeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa fashilayay Shirkan, Isagoona joojiyay wada-shaqeyntii tooska aheyd ee uu la lahaa Madaxda Dowlad Gobaleedyada, taas oo sababtay in uu xumaado xiriirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada oo iyagu dhistay Golaha Iskaashiga, si ay u buuxiyaan Doorkii Dowladda Federaalka.

Burburintii uu ku sameeyay Maxamed C/llaahi Farmaajo Wada-shaqeyntii uu la lahaa Madaxda Dowlad Gobaleedyada, ayaa sabab u noqday fashilo ku yimid Dhameystirka Dastuurka oo sabab u noqon kara in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah 2021 iyo dagaalkii lagula jiray Argagixisada.

Sidoo kale, Burburka Shirka Golaha Amniga Qaranka waxaa uu sabab u noqday inay meesha ka baxdo xasiloonidii soo kabaneysay ee Soomaaliya, Iyadoona ay Argagixisada Shabaabku ugu horeeyaan ay xoojiyeen dagaalka ka dhanka ah ee Ciidanka Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM.

Waxaa Shabaab u suuragashay inay dib ula wareegto Degaano badan oo Xukuumaddii hore ay ka saartay, sidoo kalena ay weeraro toos ah ku qaadaan Wasaaradaha Dowladda, kaddib markii ay kusoo adkaadeen Degaanada ku hareeraysan Muqdisho iyo Goobaha Gudaha Magaalada ah ee ay ka agdhow yihiin Shacabku.

Sidee Madaxweyne Farmaajo u fashiliyay Shirka Golaha Amiga Qaranka ?

Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo eeganaya danihiisa gaarka ah una arka in ay hor istaagayaan Madaxda Dowlad Gobaleedyadu ayuu meesha ka saaray Wada-shaqeyntii iyo tashigii arrimaha Masiiraga ah ee ay lahaan jireen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyadu.

Waxaa tilaabadaasi daba-socday in meesha laga saaray Qoondadii Dowlad Gobaleedyada ee deeqaha Beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya, una dhiibto Dowladda Federaalka, iyadoona dhaqaalahaas loo weeciyay burburinta Dowlad Gobaleedyada.

Sidoo kale, waxaa fashilmay Isku dhafkii Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, si loo helo Ciidan Qaran oo leh Heybad Dowladnimo, Iyadoona bedelka taas uu Madaxweyne Farmaajo door biday inuu ciidan ka qorto Jaamacadaha Dalka iyo Beelaha ku qoraabada ah, kuwaas oo socon la illaa hada.

Qeybsiga Kheyraadka oo kamid ahaa Qorshayaashii ugu muhiimsanaa ee Xukuumadda Kheyre, ayaa lagu guuldareystay in la qeexo, taas oo bedelkeeda ay Xukuumaddu gashay Heshiisyo Kaluumeysi iyo Macdan baaris, aanu fasaxeyn Dastuurku.

Gaba-gabo.

Casuumadda Shirka ee Madaxweyne Farmaajo uu u diray Madaxda Dowlad Gobaleedyada, ayna dabada ka riixeyso Beesha Caalamku ma aha mid wax soo kordhinaya hadii Madaxda Dowladda Federaalku aysan u soo daadegin xaqiiqada ah in dalkan lagu hormarin karro Wada-tashi, loogana guuleysan karro Argagixisada .

Danjire Maxamed Caalim

Caalim68@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip