Jinni Maxkamad la saaray!!! (Waa Yaab)

1
Thursday April 04, 2019 - 00:08:13 in Wararka by
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jinni Maxkamad la saaray!!! (Waa Yaab)

    Eedeysane Jinni yare oo lagu naaneyso( Jaan) ayaa yiri: waa run in aan dhax galay Siyaasi Somali ah oo aan deg deg uga soo baxay, kadib markii aan ku wareeray hab dhaqankiisa, dareemayna in uu iga heer sareeyo. Sidaan hore u sheegay, Anigaaba ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eedeysane Jinni yare oo lagu naaneyso( Jaan) ayaa yiri: waa run in aan dhax galay Siyaasi Somali ah oo aan deg deg uga soo baxay, kadib markii aan ku wareeray hab dhaqankiisa, dareemayna in uu iga heer sareeyo. Sidaan hore u sheegay, Anigaaba ka Coowdi bileeystay, waa Nin Subaxii xadaya Xoolaha Masaakiinta, Duhurkiina Masjidka safka hore ku jiro, qaboojiyaha Xafiiska u yaal Khamri ayaa ku jiro, Miiskana kitaab qur'aan ayaa u saaran, inta badan Tusbax uuna ku wardin ayuu wataa, Xaaskiisu waa muuminad asturan , Habeenkii waxa uu dabacaraa gabdho yar yar, baashaal ayuun ku jiraa,Mafrash uu isagu maal galiyo ayuu waqtiga ku qaataa.


Jaan ayaa yiri: waan shakiyay ma Anigaa ku dhax jiro, mise isagaa igu dhax jiro. waxaan Maxkamadda Sharafta leh ka codsanayaa in Aniga lafteeyda "insi” leeyga Tacbo, weli jirkeeyga ayaan ka Dareemayaa in uu igu dhax jiro Siyaasigii Somaaliga ahaa.

Qaadi "ibliis” oo ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda "Waaq waaq ” iyo kaaliyihiisa "Khanaas”, ayaa ku dhawaaqay Go’aankii Maxkamadda. Jinni yare waxaa loo soo jeediyay Canaan, sida caadadu tahay Sheydaanul jinniga xabsi laguma xakumo, si eyna shaqadiisu u dayacmin. waxaa lagu xamumay in Laba Darajo hoos loo dhigo iyo in uu Taageerayaasha Jadbeeysan ee Muxaafidka iyo Mucaaradka ee da’da yar oo kaliya uu dhax galo.

Gudoomiye Ibliis ayaa soo jeediyay talooyin,

1- In siyaasgaa somaliga ah loo Aqoonsado sheeydaanul jinni wal insi.

2- In laga faa’iideysto khibradiisa.

3- In lagu amaano shaqada sheydaanul Jinnigu qaban waayay ee uu qabtay.

4- In laga barto, Munaafaq nimada Casriga ah iyo isku dhafidda Camalka Fiican iyo midka xun.

5- In caruurtiisa il gaar ah lagu hayo, iyo in Xaaskiisa oo ah Haweeney wanaagsan laga Furo, lalana xiriiriyo Gabar sheeydaanul insi ah oo caasi waalidiina ah.

6- In soomaalida loo xulo, Siyaasiyiin dhaqankaa leh, oo Kitaabkii ey ku dhaarteen aan fulin.

FG: si aad uga badbaado xafiiskiisa markii aad galeyso aqriso Suuradaha Qur’aanka ee "QUL” ka bilaawdo, kana Coowdi bileeyso, Siyaasigaa Jinniguba ka Cowdi bileeysatay.

Waa kuma Siyaasigaasu?. yac ha sheegin, Jinnigaa kaa xanaaqayo, Afkeenu waa isku Aamin.

Alla hanaga Badbaadiyo, Sheydaanul Insi wal Jiniba. Aamiin.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip