Qiso Jaceyl oo dhab ah (W.Q: Maxamed Ibraahim Macalimuu)

0
Wednesday February 03, 2016 - 08:39:59 in Maqaallo by
  • Visits: 3337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso Jaceyl oo dhab ah (W.Q: Maxamed Ibraahim Macalimuu)

    Waa hore ayaan aqriyay sheekadan waxaa qoray Qoraaga Aweys Xuseen Shiino oo aan Muqdisho ku ogaa, maadaama aan wada xusuusto dhamaan sidii ay sheekadaasi u qorneyd, waxa aan jecleystay in aan dhalinyarada xilligan la wadaago. Waa heerkii wax loo qori

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa hore ayaan aqriyay sheekadan waxaa qoray Qoraaga Aweys Xuseen Shiino oo aan Muqdisho ku ogaa, maadaama aan wada xusuusto dhamaan sidii ay sheekadaasi u qorneyd, waxa aan jecleystay in aan dhalinyarada xilligan la wadaago. Waa heerkii wax loo qori jiray burburka ka hor.

"Muddadii sadaxda sano aheyd ee sida ba’an ay isu jecelayeen, darsigii uu siin jiray waagii caqligeedu bislaaday iyo ereyadii macaanaa ee uu dhagaheeda maqashiin jiray iyo naf hurnimadii uu daraadeed u sameeyay oo dhan waa ay gareysin waayeen Murriyo in ay u sheegto wiilkii jeclaa ee Cabaas in ay u dhoofeyso dalka Talyaaniga .Diyaargarowgeedii iyo dukumentiyadii dhoofkaba waa ay ka qarisay .

Markii uu ogaaday in Murriyo u dhooftay dalka Talyaaniga cinwaankeedii ayuu baadi doon minted ah u galay ,markii uu helayna is dabajoog ayuu waraqdo qoraal ugu diray isagoo aan wax jawaab ah aan heleynin.

Waa tan warqadii u danbeysay ee Cabaas uu u qoro Murriyo

Ka : Cabaas Ku: Murriyo

"Boqoradii ammaantaay ,macalimadii shibbanaanta waxaa aan kuu soo dirayaa warqadeydii ugu danbeysay ,muddo badan Ayaan fariimo badan kuu soo diray anigoo wax jawaab ah helin, sida caadiga ah qofka marka uu asxaabtiisa warqado u diro oo uu ogaado in jawaab la’aanta loo bareeray waa uu iska dhaafaa, laakiin aniga taa waa khilaafay, hadii aan is tilmaamo waxaan ahay qof waalan, sida ay culumada Cilmi nafsiga isku raaceen qofku waxuu waalan karaa mar ama daqiiqado, hadda oo aan warqaddan kuu soo qorayo Murriyo waxaan ahay sida qof waalaan.Maxamed-Ibraahim-Macalimuu-image

Murriyo waxaa aan ku heystay cad jirkeyga ka mid ah ,laakiin waxaan halmaansantahay qofka si kasta uu xubnaha jirkiisa u jecel yahay in xubin ka mid ah ay bukoon karto oo uu Kansar ku dhici kara oo markaa ay muteysan in la jaro.

Murriyo waa jeex jeexi doonaa warqadihii aan is dhaafsan jirnay waagii aan isku fasalka aheyn, waan gubi doonaa sawiradii oo dhan, waana dabar jari doonaa wax kasta oo ii kaa xusuusiyo, sababta aad iiga carareyso wax kale maahan ee waa saboolnimadeyda iyo mustaqbalkeyga oo aanad hubin, laakiin waxaan eegi doonaa waayaha danbe iyo waxii uu la yimaado.

Qore Cabaas.

Murriyo markii ay Talyaaniga tagtay waxa ay la dagtay wiil ay habro wadaag ahaayeen, walaaltinamadooda ka sakow waa ay isku lug xirteen waxa ayna ka bixi waayeen tumasho if iyo aaqiro seeg ah.

Muddo yar ka dib aqlaaq darro iyo arimo kale ayaa Jaamacadii ay dhiganayeen looga soo ceyriyay . Markii ay halkaasi ay ku soo wareereen waxa ay dib ugu soo noqdeen dalkii Hooyo.

Cabaas waxa nasiib wanaag shaqo ka helay Wasaaradda Sahminta Hawada waxana ay u fidisay deeq waxbarasho oo sadax sano ah dalka Jarmalka.

Waxaa Cabaas uu dalka ku soo laabtay isaga oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Sahminta Hawada, Murriyo waxa ay raadisay shaqo ,hal hey’ad ayaa rajo galisay oo baahneyd turjumaan, markii ay timid Xafiiska xoghaynta waxaa lagu yiri u tag Agaasimaha Guud si uu waqdahaaga kuugu gudbiyo Wasiirka.

Maxaa ka naxdin badan markii Murriyo ay soo dul istaagtay xafiis uu fadhiyo Agaasime Cabaas, Cabaas markii uu arkay Murriyo aad buu u soo dhaweeyay, waxa ay tiri danta aan manta u socdo ma u maleynayo in aad tahay kii ii dhameyn lahaa, waraqadihii ayuu ka gudoomay, shaqadiina durba ayay u heshay Murriyo.

Waxaa markii danbe iska soo horjeeday labada Xafiis ee Agaasime Cabaas iyo Murriyo ,subax walba waxa ay Murriyo aragtaa Agaasime Cabaas oo si saani ah u wata howl maalmeedkiisa caadiga ah, aadna u labbisan . Aroor ka mid arooryada ayaa Murriyo waxaa ay soo gashay xafiiskii Cabaas waxana ay tiri Agaasime ma kula hadli karaa? Waxa uu yiri haa, waxa ay tiri waa ogtahay sidii aan isku aheyn waagii aan isku fasalka aheyn, anigana waan ogahay waqradihii aad ii soo diri jirtay inaan kuu soo jawaabi jirin, waxii dhacay ka soo qaad ma leh hadda maxaad ka qabtaa inaan bilowno safxad u cusub oo aan adiga kuu dhiibo? Agaasime Cabaas waxaa uu ku yiri waan ka xumahay waan guursday !!!. Xaaskeygana hadda waa umul, dumar kalana wax xiriir oo aan uga baahanahay ma jirto . Isaga oo ay hadalladaasi soo celinayaan xusuustiisa hore oo diiddan in uu ku digto ayaa waxa uu ku leeyahay , Murriyo manta shaqo badan ayaa kuu taal!.

Waxaa Qoray:


Maxamed Ibraahim Macalimuu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip