Guddiga La-talinta Soomaali Banaadir oo soo jeediyay aragti ku saabsan 'Muqdisho'

0
Sunday August 23, 2015 - 09:08:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga La-talinta Soomaali Banaadir oo soo jeediyay aragti ku saabsan 'Muqdisho'

    Shir ay isugu yimaadeen waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno bulshada Banaadiriga UK ayaa 25kii Maajo 2015 wuxuu ka dhacay magaalada Waqooyiga London (Finsbury Park).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ay isugu yimaadeen waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno bulshada Banaadiriga UK ayaa 25kii Maajo 2015 wuxuu ka dhacay magaalada Waqooyiga London (Finsbury Park).
Shirkaas waxaa looga hadlay, fikradana la isku dhaafsaday maqaamka Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho yeelanayso.

Dood dheer iyo falanqayn ballaaran oo lagu sameeyey figradaha kala duwan ee laga kala qabo sida uu noqonayo maqaamka Muqdisho, ayaa waxgaradka iyo aqoonyahannada kulankaas ka qaybgalay, waxaa u muuqata.

1.Muqdisho waa xaruntii dawladnimada Soomaaliyeed, magaalo madaxdii iyo xudduntii midnimada Ummadda. Sidaas darteed, waa in aan loo qaadan in ay tahay magaalo beeleed, ama degaan gaar loo leeyahay!.


2. Maamul kasta oo ka dhisma Muqdisho waa in uu noqdo mid ka tarjumaya maqaamkaas qarameed ee ay huwan tahay magaaladu.
3. Waxaan soo jeedineynaa in la tixgeliyo go-aanka ka soo baxey Guddoonka Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lambarkiisu yahay 702/3/1/9/15,  tr 4/4/2015, oo caddeynaayo in go-aan ka gaarista Maqaamka Caasimada la raaco sida oo qabo Qodobka 9aad ee dastuurka KMG ah.
4.Waxaan mar labaad taageersan nahay in aan lagu xad-gudbin maqaamka Dastuurku siinayo Magaalo madaxda Soomaaliya. Waxaan Baarlamaanka ugu baaqaynaa in uu ka hortago, go’aanna ka soo saaro ilaalinta maqaamka Muqdisho, isagoo tixgelinaaya talo bixinta dadka asalooga ah, ka hor inta aan go’aan loo gudbin hey’adaha Dowladda.

Sidaas darteed, talada ugu gurracan waxaan u aragnaa in ay tahay in dadka lagu jaahwareeriyo ama lagu abaabulo aragtiyo meel dhow wax ka arka, ha dhowna magaalada iyo bulshada ku noolba u keeni kara dib u dhac iyo cawaaqib xun!


xamari1

Waxaan soo jeedineynaa Dib-u-heshiisiin Muqdisho waxaa soo maray dhibaato ballaaran: dil, dhac, bililiqo, kufsi, burburin iyo qaxin, iyadoo dhibaatadu u sii kala badnayd marba sidii loo kala awood badnaa.

Dhibaatooyinkaas iyo bugtadii weli waa taagan yihiin; niyad xumadii waa taal; hantidii la kala qaatay iyo xaafadihii la qabsaday, weli la haystaa!

Iyadoo arrimahaasi halkoodii yihiin, oo aan laga heshiin, in lagu fekaro in maamul la wada dhisto, waxaan u aragnaa in ay degdeg tahay. Sidaas darteed, inta aan wax kale loo gudbin, waxa ugu horreeya oo Muqdisho la gudboon waa in la qabto dib-u-heshiisiin dhab ah, waxa la kala tabanayana meel la saaro.  


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip