Ciyaar-Yahan U Dhashay New Zealand Hooyadiisa Iyo Saaxiibkiis Oo Wada Qaatay Diinta Islaamka

0
Sunday March 31, 2019 - 01:40:53 in Wararka by
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaar-Yahan U Dhashay New Zealand Hooyadiisa Iyo Saaxiibkiis Oo Wada Qaatay Diinta Islaamka

    Ciyaaryahanka Muslimka ee Sonny Bill Williams oo ah Xiddig ciyaarta Kubadda Rugby ama Nidaamka Ciyaarta K/Cagta ee Maraykanka, oo ay wehliyaan Hooyadiisa iyo saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Offa Tuungafasi ayaa qaatay Diinta Islaamka. John Fon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka Muslimka ee Sonny Bill Williams oo ah Xiddig ciyaarta Kubadda Rugby ama Nidaamka Ciyaarta K/Cagta ee Maraykanka, oo ay wehliyaan Hooyadiisa iyo saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Offa Tuungafasi ayaa qaatay Diinta Islaamka. John Fontain oo horey u soo Islaamay, ahna saaxiibka Sonny Bill Williams waxa uu Bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal muujinaya qoyska soo islaamay. "Allahu Akbar. Maanta waxaa soo islaamay Sonny Bill Williams, hooyadiisa iyo saaxiibkiisa kooxda ee Offa Tuungafasi oo oggolaaday Islaamka" ayuu bartiisa Faceboog-ga soo dhigay John Fontain.

 

John Fontain waxa kale oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Sawirka Munaasabadda Masjidka ee Ash-haadada (Shahaadada) loogu qabtay Ciyaar-yahanka Sonny Bill Williams ee 33-jirka ah, Hooyadiisa, Lee Williams iyo saxaiibkiisa Offa Tuungafasi maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.

Sonny Bill Williams waxa uu sawirka isaga iyo hooyadiisa iyo walaalkiisa ku so oshare-gareeyey bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku soo qoray Oraahda "Maama, Alxamdu lilaah”.

Sonny Bill Williams waxa isaga la sheegay inuu soo Islaamay sannadkii 2009-kii, xilligaasi oo uu u ciyaarayey Kooxda RC Toulonnais ee dalka Faransiiska.

Muuqaal Video oo uu bishan March 15-dii oo uu ka soo muuqday waxa uu u duceeyey dadkii Muslimiinta ee lagu dilay Toogashadii ka dhacday labada Masjid ee ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Isaga oo aan ilinta iska celin karin ayuu sheegay inuu hadda maqlay warkaasi, isla markaana uusan awoodin inuu Erayo ku soo kobo sida uu dareemayey xilligaasi.

"Waxaan keliya oo u dirayaa Ducadayda (Salaadaha) dhamaan qoysaska Insha Allaah. Qof kasta oo lagu dilay maanta..Insha Allaah,waxaad dhaamaantiina gaheen Jannadda” ayuu yiri.

Wuxuuna sii raaciyey inuu aad uga tiiraanyeysan inay tani ka dhici doonta New Zealand.

Ugu yaraan 50 qof oo Muslim ah ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib, markii uu nin Argagixiso ah oo lagu magacaabo Brenton Tarant galay labada Masjdi ee Al-nuur iyo Linwood ee magaalladda Christchurch, kadibna toogtay dadkii cibaadaysanayey oo ay ku jireen 4 dhallinyaro oo ka yar da’da 18-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip