Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Mark Lawrenson Ee Kulamada 32aad Ee Horyaalka Premier League

0
Sunday March 31, 2019 - 01:17:58 in Wararka by
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Mark Lawrenson Ee Kulamada 32aad Ee Horyaalka Premier League

    Liverpool ayaa mar kale halgan u geli doonta inay sii xajisato hoggaanka Premier League marka ay Axadda iska hor yimaaddaan Tottenham oo ay ku ballansan yihiin kulanka dhimashada ee Axadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa mar kale halgan u geli doonta inay sii xajisato hoggaanka Premier League marka ay Axadda iska hor yimaaddaan Tottenham oo ay ku ballansan yihiin kulanka dhimashada ee Axadda

Liverpool oo laba dhibcood ka sarraysa Manchester City oo kusoo xigta laakiin ay ciyaar baaqi u tahay, ayaa waxay garoonkeeda Anfield ku qaabili doontaa Spurs oo kaalinta saddexaad inay sii xajisato halgan ugu jirta, waana sababta kulankan loogu magacaabay ‘Ciyaarta Toddobaadka’.

Manchester City oo labaad fadhida ayaa waxay xilli hore oo maanta ah marti u noqonaysaa Fulham oo dhibaato weyn ku jirta, isla markaana haddaba sii og inay dib ugu laabanayso heerka labaad ee ay xili ciyaareedkii hore kasoo baxday, halka Manchester United oo Khamiistii tababare rasmi ah ka dhigto Ole Gunnar Solskjaer ay qaabilayso Watford.

Arsenal oo kaalinta afraad fadhida ayaa kulankeeda toddobaadka waxay Isniinta la ciyaari doontaa Newcastle xilli ay kasii warqabto natiijooyinka kooxihii kale, balse Chelsea ayaa Axadda u tegi doonta Cardiff City oo ah kooxda saddexaad ee ugu hoosaysa miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.

Haddaba Khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson ayaa sidii caadada ahayd saadaaliyey natiijooyinka kulamadan, waxaana uu guul ugu bushaareeyey Liverpool oo uu u sheegay inay kusii negaan doonaan hoggaanka horyaalka oo ay ka takhalusi doonaan Tottenham.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip