Qarax Baas (Darandoori) u dhacaa !!!!
Xabbado Baas u dhacaa, waa Soo aragnay, Qarax Baas u dhacaa ayaa nagu Cusub Usbuucaan (F.S: 1 & 2aad)
Hore waxaa u jiri jiray, Qorrayga AK-47 oo Baas u dhacayo, Xabaddii dhacdaba qof ayaa Ku dhimanayay, Usbuucan waxaa nagu Cusub Qarax Baas u dhacayo.
Majin Majin ayaa loo dhimanayay, Hadda Marduuf Marduuf, Miyaa?
Jid Lafuraa oo xarigga la jarayo ayaan arki jirnay , Hadda jidadkii Furnaa oo la xirayo ayaan Aragnaa.( F.S: 3 & 4aad)
Qof dhintay oo loo tacsiyeeynaa ayaan Arki jirnay… Tacsiyo la isku hor marinaa!!! , qaraxa kadib iyada oo aan la ogaan, khasaaraha Ka dhashay. Waxaad maqlee, intii Ku dhimatay, dhaawaca iyo inta dhaawaca u dhiman doonto oo tacsiyada loo sii hor marinayo.
Magaalo la leeyahay Marshal law – Bandoow iyo Xukun deg deg ah ayaa lagu Soo rogaa. Hadeeyba Bandoow Ku jirtaa.
Haddii ALLA idmo, dhibaatada waa laga baxaa, Culeeyskana Allaah ayaa Naga qaadaa Inshaa a Allah. ( F. A .S: 5aad).
Allah aan Barino, isagaa Awood lehe, wanaagana aan Ku dadaalno, Ummaddana Culeeyska ALLA ha Ka qaado.Aamiin.
Qore: Yahya Amir
Qarax Baas (Darandoori) u dhacaa !!!!
Xabbado Baas u dhacaa, waa Soo aragnay, Qarax Baas u dhacaa ayaa nagu Cusub Usbuucaan (F.S: 1 & 2aad) Hore waxaa u jiri jiray, Qorrayga AK-47 oo Baas u dhacayo, Xabaddii dhacdaba qof ayaa Ku dhimanayay, Usbuucan waxaa nagu Cusub Qarax Baas u d