3-kulli iyo 3-Qax (Maqaal Xiiso leh)

0
Saturday March 30, 2019 - 01:44:45 in Wararka by
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3-kulli iyo 3-Qax (Maqaal Xiiso leh)

    Nin dhimashada aad u necbaa oo Xamar ilmahiisa Kala qaxayo ayaa lagu yiri: maxaad u qaxee?. Waxa uu yiri: Hadda Ka hor ayaa Nin anniga camal dhimashada neceb, waxa uu raadiyay qiil uu uga badbaadi Karo dhimashada. Waxa uu u tagay Culumo badan wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin dhimashada aad u necbaa oo Xamar ilmahiisa Kala qaxayo ayaa lagu yiri: maxaad u qaxee?. Waxa uu yiri: Hadda Ka hor ayaa Nin anniga camal dhimashada neceb, waxa uu raadiyay qiil uu uga badbaadi Karo dhimashada. Waxa uu u tagay Culumo badan waxaana loo sheegay in ey dhimashadu waajib tahay oo Qur'aanku sheegay.

Waxa uu yiri: Idin aamini maayo, annigaa qur’aanka baranayo oo Ka raadinayo, qiil looga badbaadi Karo dhimashada.

Muddo kadib ayaa la arkay isagii oo quustay oo geerida in aan laga badbaadeeyn ogolaaday.

Waxa uu yiri: Saddax ” KULI” markaan Qur’aanka Ku arkay ayaan quustay.

1-(Kulu nafsin daa’iqatul moowti). Naf kuligeed waxa ey dhadhaminee Dhimashada. ( F. A: 1aad)

2-(Kulu man caleeyhaa Faanin). wax kasta oo dunida dusheeda ah waa dhamaanayaan.( F.A: 2aad)

3- (Kula sheeyin Haalikun illaa wajhahu) sheey kuligii waa la halaagmayaa intaan Ka aheyn Allaah. ( F.A: 3aad)

Sadaxdaas KULI ayaa Aduunyo ii xaraareysay.

Anna Xamar waxaan ilmaha ugala qaxay Saddex.

1-Qarax aan laguu la qasdin, Ku Qaatumeeyso.

2- Qaajo qabyaaladeeysan, oon aan loo sineeyn.

3- Qurba joogta qaar Ka mid ah, oo Quudku Qaranka Kala weynyahay.

Xamar waa xumaaday ee xeelad & xoog kale oo ummadda lagu badbaadiyo hala keeno, sida hadda madaxdu wax Ku wado……

F.G: wixii iga khaldan ee Aqoon yari iyo Aragti gaabiyo ii geeysay iga Sax.



Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip