Ar deegaan kasta wixii uu ku haboon yahay ha lagu maalgaliyo,Xafiis kastana Qofkii ku haboonaa ha loo dhiibo =Nasashada Jimcaha.Q-141aad=

0
Friday March 29, 2019 - 23:29:58 in Wararka by
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar deegaan kasta wixii uu ku haboon yahay ha lagu maalgaliyo,Xafiis kastana Qofkii ku haboonaa ha loo dhiibo =Nasashada Jimcaha.Q-141aad=

    1- Qaran Dumis Qof ma noqon karo, "Qaran Dumis" Dowlad ayaa Noqon karto, Qofku wuxuu noqon karaa "Dowlad dumis"….Dariiqo dumis Xerta ma noqon karto, Dariiqo Dumis waxaa Noqon karo sheikh Xun, Xertu waxa ey noqon kartaa Mowl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Qaran Dumis Qof ma noqon karo, "Qaran Dumis" Dowlad ayaa Noqon karto, Qofku wuxuu noqon karaa "Dowlad dumis"….Dariiqo dumis Xerta ma noqon karto, Dariiqo Dumis waxaa Noqon karo sheikh Xun, Xertu waxa ey noqon kartaa Mowlac dumis……Mooryaan ma noqon karto dhaqan dumis, Mooryaan waxa uu noqon kartaa Maamul dumis , Dhaqan Dumis waxaa noqon karo, Duub magaalo…… Xildhibaan Sharci dumis ma noqon karo, Sharci dumis waxaa noqon karo kii Laaluushaka siiyay …Qoys Dumis Muqayil ma noqon karo, Qoys dumis waxaa noqon karo kan Qaadka ka ganacsado……Calooshii u shaqeyste ma noqon karo Askari Qaran, Calooshii u shaqeyste waxaa noqon karo kan Face book Lacag ku Qaato. (Shacabkuna masuuliyadda nabadgalyo la'aanta laguma eedeyn karo, Nabadgalyo Xumida, waxaa lagu eedeeyn karaa Hayadaha Nabadgalyada ku shaqada leh, ee shacabku canshuurtooda ku biilaan) ( F.S: 1aad)




2- Cabdi Bile Cabdi, Orodyahankii Somaliyda ee Caanka ahaa, ayaa ku guuleeystay Orodka 1.500 Mitir. Hooyadii oo waayeel ah ayaa loo sheegay in wiilkeedii uu Tartankii Orodka uu ku guulaystay waxa tiri: Maxamed Bile oo isaga ka wayn ayaa ii jooga oo markii ay yar yaraayeen haddii uu iga ordo ii so qaban jiray, hadana isaga ii so qabanayo.(F.S: 2aad)
(Nin mas’uul ahi hadduu ku yiraah: Calanka iyo Caasimada oo kaliya ayaa naga dhexeeyo, wuxuu kuu sheegay in Maanta Dalka iyo Dastuurku ayna naga dhexeyn, iska dhaaf Lacagta Qaranka, Astaanta & Musikada calankee, Berrina wuxuu soo wadaa Diinta iyo Dadnimadu nagama dhexeeyaan, laakin Somaliya wax garad kama dhamaan,wixii uu naga khaldo waxaa noo saxayo Cabdi Bile walaalkii).
3- Jacfar, oo ka tacsiyeeynaya Saaxiibkiisii Face book-ga oo geeriyooday ayaa yiri: Saaxiibkeey khaatumadaa ka xumaatay. Waxa uu haa Nin Fiican intii uuna ku biirin kooxda FB-ga Mushaarka lagu siiyo.
Markii hore, Marxuumku markasta "Online” ayuu ahaan jiray. Noloshiisa qofna ma saarin "Block”. Waligii qofna kama Xasidin "Comments”. Lama arag isaga oo qof ka Hagraday "Like” waliba 4 mar ka badan ayuu saari jiray . Qofka miskiinka ah ee Baahan wuxuu dhihi jiray "Share”, Marxuumku Asxaabtiisa kalama Bakheeyli jirin "Tag” Iyo "Text”, sido kale Marxuumku Intuu Noolaa qofna waligii kama xadin "Post”. Alle ha u Naxaristee Marxuumku qofna kuma aamusi jirin ee "Video call” ayuu ka wici jiray, xatta Xaaskiisa waxa uu ku dhihi jiray Meherkaagu waa "passward-ka” FB- geeyga.( F.S: 3aad)
(Markii uu ku biiray Kooxda FB-ga laga Biilo wuxuu billaabay, inuu is moodo Nin wax kasta yaqaan ,wixii uu arkana wuu ka jawaabi jiray, inta ka feker duwanna waa caayi jiray, ma hubsade aan ceebu qaban ayuu noqday. Caasi, Caalim iyo ciroole caaya ayuu noqday)
4- Aay Batuulo Macow ayaa la weeydiiyay Ninkaagu meeqo Sanno jiraa? Waxa ey tiri: Ma ogi, "laakin cabaad aas bilaabay”. Waxa ey aragtay Ninkii fudeeydka badnaa oo hadduu istaagi tagayo cabaadayo oo leh: ajajaja, aaaaa,yay a yaaa.. haddii uu Salaada tukanaya leh: Kursi ii keena.( F.S: 4aad)
( Nin Shufeer ahaa ayaa lagu yiri: Wasiirkiinu meequu xadaa Sannadkii? Waxa uu yiri: Ma ogi, laakin isaga iyo Xaaskiisu, Guri qabyaa oo dhabaq la soorayo ,iyo Salooto la bedelayaayo ayeey ka sheekeestaan mar kasta)
5- Oday Yalaxow oo reer Jowhar ahaa ayaa waxaa Gabartiisii ka guursaday Nin Reer Gaalkacyo ahaa. Maalintii Dambe ayuu Odaygii Reer Jowhar wuxuu aaday Gaalkacyo si uu u soo booqdo Reerka gabadhiisa Guursaday. Odaygii si wanaagsan ayaa loo soo dhaweeyay, hanti bandanna waa la siiyay.
Galabtii dambe ayuu wiilkii uu Sodoga u ahaa u raacay Makhaayad Gaalkacyo ku taal oo Galabtii lagu casiryeeysto. Asaxaabtiisii ayaa ku tiri: war maad Odaygaan na bartid. Isaga oo amaantii reer gaalkacyo ku amaanayo ayuu ku yiri: Miyaadan garaneeynina, war Odaygu waa geesi Toban Nin hore uga gooyay Nafta, "war Ey –ey dhalay hadaad maqasho waa Xaaskeeyga Aaabaheed”.
Odaya Yalaxoow Gurigii Dib uguma Noqon, Gaari Jowhar u soo socdo ayuu soo raacay. 6 sanno ayey qaadatay in oday yalaxoo laga dhaadhacsiiyo in amaan laga wadao ( Ey-ey dhalay haddad maqasho, waa Xaaskeeyga Aabaheed)
6- Waqtigii Kacaanka ayaa Gen. Bile Rafle Guuleed loo magacaabay Godoomiyaha Gobalka Mudug. Waxa uu ogaa in kacaanku jecelyahay wax qabad uu ku faano Oktoobar kasta. Bile ayaa Yameeyska Gaalkacyo ku abuuray Moos, Beertii yareed ee Mooska ayaa kormeer loo tagay, "Mooskii waxa uu dhalay Basbaas”, Moos aad u yar yar oo kulul. ( F.S: 5 & 6 aad)
( Ar deegaan kasta wixii uu ku haboon yahay ha lagu maalgaliyo, Xafiis kastana Qofkii ku haboonaa ha loo dhiibo).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip