QM: Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga YURUB Xad-gudubyo ayay ka geysteen Bartamaha Afrika

0
Monday February 01, 2016 - 23:18:36 in Wararka by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM: Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga YURUB Xad-gudubyo ayay ka geysteen Bartamaha Afrika

    Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay mar kale eedeymo cusub oo ku saabsan xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo ay ku kaceen ciidankii nabad-ilaalinta Midowga Yurub ee EUFOR ee Hawlgalka u joogay Dalka Bartamaha Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay mar kale eedeymo cusub oo ku saabsan xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo ay ku kaceen ciidankii nabad-ilaalinta Midowga Yurub ee EUFOR ee Hawlgalka u joogay Dalka Bartamaha Afrika.
sheegay in gabodho ay da’doodu u dhexeyso 14 illaa 16 sano ay ciidamada ka socda dalka Gerogia ee Qaybta ka Howl-galka Nabad-ilaalinta ee EUFOR ee Bartamaha Afrika.

Sidoo kale, ciidamada Faransiiska ee iyaguna qayb ka ah howlgalka ayaa waxaa la sheegay inay Xad-guduyo u geysteen Gabar Toddoba sano jirta iyo sagaal wiil ay kula kaceen Xad-gudubyo kufsi ah.

Ciidankaas ka socda Midowga Yurub ayaa waxaa waddankaas loo geeyay sidii ay u soo af-jari lahaayeen colaada u dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta xukunka waddankaas isku hayay sannadihii lasoo dhaafay.

Warbixinta QM ayaa lagu 

Dagaallada u dhexeeyay Maleeshiyooyinka Muslimiinta & Kirishtaanka ah ayaa billowday Markii Xoogagga Muslimiinta ah ay xukunka ka tuureen Sanadkii 2013-kii madaxweynihii Jamhuuriyaddaas oo Kirishtaan ahaa, taasoo keentay inay ka gadoodaan kooxda Masiixiiga ah, halkaasna ay ka dhacaan dagaallo ay dad badani ku Naf-waayeen.

Xad-gudubyadaan Kufsiga ah ayaa waxay ka dhaceen kaam ay daggan yihiin Barakacayaal oo ku yaalla meel garoonka diyaaradaha magaalada Bangui ee caasimadda Afrikada Dhexe bartankii sannadkii 2014-kii, balse waxay dibadda u soo baxeen toddobaadyo ka hor markii wareysi lala yeeshay kooxo ka tirsan QM oo booqday dalkaas.

Mas’uulka Sare ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha, Zeid Raad Al-Hussein ayaa xusay inuu aad uga naxay eedeymahan cusub ee lasoo sheegayo in ciidamada nabad-ilaalinta ah ee Midowga Yurub ay ka geysteen dalka Bartamaha Afrika.

Bishii December ee Sannadkii hore ee 2015-kii ayay guddi Madax-bannaan ayaa waxay ku eedeeyeen QM inay wax ka qaban wayday eedaha la xiriira xadgudubyada ay geysanayaan ciidamada ku sugan Bartamaha Afrika ee ka kala socda Dalalka; France, Equatorial Guinea iyo Chad.

Dowladda Faransiiska ayaa waxay bishii Decmber ee sanadkii 2013-kii u dirtay Bartamaha Afrika 2,000 oo Askari kuwaasooka horreeyay kuwa Qaramada Midoobay waddankaas oo ay Faransiisku gumeysan jiray, si xxaaladihii ka taaganaa wax uga qabtaan.

Ugu dambeyntii, Waxaana Howsha Nabad-ilaalinta Dalkaas si toos ah ula Wareegay Bishii September ee Sannadkii 2014-kii Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ay Tiradoodu gaarayso 10,000 oo Askari.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip