Somaliland oo Maanta laga Tukaday Roob-doon iyadoo ALLE laga baryay Barwaaqo

0
Monday February 01, 2016 - 23:15:03 in Wararka by
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Maanta laga Tukaday Roob-doon iyadoo ALLE laga baryay Barwaaqo

    Dadweynaha Somaliland ayaa Maanta u Dareeray Tukashada Salaadda Roob-doonka, taasoo ALLE looga baryay inuu abaaraha ka jabiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynaha Somaliland ayaa Maanta u Dareeray Tukashada Salaadda Roob-doonka, taasoo ALLE looga baryay inuu abaaraha ka jabiyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa magaalada Burco kala Qayb-galay tukashadda salaadda Roob doonta ah, Halka madaxweyne ku xigeenkuna dadweynaha reer Hargeysa kala Qayb-galay.

Salaadda Roob-doonta oo uu Madaxweynuhu kula Tukaday Shacbiga Togdheer Garoonka Kubbadda Cagta ee Alamzay Stadium, oo ay igu soo baxen kumanaan ka mida shacbiga ku dhaqan magaalada Burco.

Intii lagu gudo jiray u diyaar garawga Salaada roobdoonta waxa shacbiga la hadlay qaar ka mid ah culummada Gobolka oo khudbado kala duwan u jeediyay, kulana dardaaray inay is-cafiyaan oo ay alle danbi dhaaf waydiistaan.

Ugu danbayn, Madaxweyne Axmed Siilaayo ayaa guud ahaan shacbiga Somaliland halkaa uga duceeyey allena uga baryey inuu raxmadiisa u shubo, kana soo furto abaaraha iyo biyo yaraanta.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeer ku tegay goobo ay ka socotay Diwaangelinta Codbixinta iyo Muwaadinka, waxaana goobahaasi warbiximo ka siiyey dhalintii ama hawl-wadeenadii gacanta ku hayey shaqada iyo madax ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabo, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancade, iyadoo Siilaanyo uu dadka ku dheerigeliyey inay is-diwaangeliyaan oo ay ka faa’iidaystaan Wakhtiga ay socoto Diwaan-gelintu, si ay hadhaw u muujiyaan codkooda ama Kaalintooda muwaadinimo oo ah mid waajib ku ah qofkasta oo u dhashay Somaliland

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo Hargeysa kula Tukaday Salaadda Roob-doonka Dadweynaha ayaa kula Dar-daarmay inay Is-cafiyaan, isla markaana ilaahay ka baryey inuu Roob khayr qaba siiyo.

Labaddii maalmood ee u dambeeyey ayaa waxa deegaano ka tirsan Somaliland ka da’ayey roobka xayska loo yaqaan oo si tiix-tiix ah uga da’ayey magaalada Hargeysa & waqooyiga, waxana cirka isku gadaamay daruuro dadkii reer xoolaha dhaqadda u rajaysay inay abaartii ka jabtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip