Dhulkuna waa soo yaraana, Samaduna waa sii fidee.=Qur'aanka Fiiri.Q-14 aad=

0
Thursday March 28, 2019 - 01:36:40 in Wararka by
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhulkuna waa soo yaraana, Samaduna waa sii fidee.=Qur'aanka Fiiri.Q-14 aad=

    Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda.

(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

Q-14aad: Dhulkuna waa soo yaraana, Samaduna waa sii fidee.

A–TV-ga National Geography, ayaa yiri: Culumada Casriga ah ee Seyniska "Astronomy” waxa ey ogaadeen in Samadu ey sii fideeyso si joogta ah.

Taas Wadaada ayaa mar hore Tafsiirka Qur’aanka noogu sheegay Culumada Seyniska ka hor.

Ma weeyna fiiran Suuradda loogu magac dary Dabeeysha Wa Daariyaat, Aayadda 47aad oo leh: ( Samadda waxaan ku abuurnay Awoodeyna annagaana sii waasicineeyno). ( F.S: 1 & 2aad).

B–Culuma kale oo Seyniska Bartay ayaa tiri: waxaan ogaanay Cilmi Cusub, oo ah in Dhulku soo yaraanayo, waxa uuna ka soo Naaqusaa Darfaha ( dhinacyada), Cimilada ayaa is bedelee ( Climate change) Biriguna waa soo yaraana, Badaha ayaana ku soo Fidiya, Guud ahaana Dhuku waa soo yaraanayaa.

Ma weyna fiirin suuradda loogu magacdaray Gugaca (onkodka) –Al Racdi, Aayadda 41 aad oo leh : (Ma weeynan arkin in aan Dhulka sugnay,keenay, Darfahana aan ka soo Nusqaamineyno) ( F.S: 3 & 4aad).

Labadaba Culumada Seyniska Hortood ayaa naloo sheegay.

Sidee Rasuulkeena NNKH oo aan wax Qorin waxna Aqrin siduu 1400 Sanno ka hor uu ku ogaaday In Sammadu si Joogta ah u sii waasaceeyso, Dhukuna uu Darfaha ka soo naaqusayo.

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.

Adiguna wixii aan ka khalday ee Aqoon yaraani ii geeysay iga sax.

La soco Qeybta 15aad

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip