Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray mid ka mid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga (SAWIRRO)

0
Monday February 01, 2016 - 20:39:45 in Wararka by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray mid ka mid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa maanta kormeeray qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Kormeeerka maanta uu madaxwaynaha Galmdug ku tegay xerada, ayaa waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa maanta kormeeray qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Kormeeerka maanta uu madaxwaynaha Galmdug ku tegay xerada, ayaa waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee maamulka iyo mas'uuliiin kale, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha qaybta, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka XDS.

Korneyl C/laahi Aadan Xuseen (Cirro) oo ka mid ah Saraakiishii halkaasi ku soo dhaweysay Madaxweynaha Galmudug, ayaa ka warbixiyay xaaladda Ciidamada isagoo sheegay in saldhigyo kala duwan ay ku leeyihiin Magaalada Cadaado, tababaro gaagaabana ay u socdaan qaar ka mid ah ciidamada.

Madaxwaynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qaybta 21-aad ee ciidanka XDS ay ka maamul ahaan la kaashadaan waxyaabo badan , isagoo xusay in dhawaan ay imaan doonaan saraakiisha sare ee xoogga dalka si ay uga halgalaan isku dhafka ciidanka.Guuleed7Guuleed8Guuleed9Guuleed91Guuleed1Guuleed2Guuleed3






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip