Waqtiga uu garoomada ka maqnaan doono Cristiano Ronaldo oo la shaaciyey

0
Wednesday March 27, 2019 - 11:58:31 in Wararka by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqtiga uu garoomada ka maqnaan doono Cristiano Ronaldo oo la shaaciyey

    Xidiga Kooxda Kubadda Cagta ee juventus Cristiano Ronaldo ayaa dhawaan dhaawac dhinaca muruqa uu soo gaaray intii lagu guda jiray kulankii ay ku wada ciyaareen xulalka Portulgal iyo Serbia, kaas oo ka tirsanaa isreeb reebka koobka Euro 2020-ka. Cr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga Kooxda Kubadda Cagta ee juventus Cristiano Ronaldo ayaa dhawaan dhaawac dhinaca muruqa uu soo gaaray intii lagu guda jiray kulankii ay ku wada ciyaareen xulalka Portulgal iyo Serbia, kaas oo ka tirsanaa isreeb reebka koobka Euro 2020-ka. Cristiano Ronaldo maray dhowr baaritaano caafimaad, taasoo lagu ogaaday inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kooxda reer Talyaani ee Juventus, hayeeshee waxaa warar kala duwna kasoo baxayaan mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Talyaaniga ayaa waxay sheegayaan in Cristiano Ronaldo uu dib ugu laaban doono magaalada Torino maanta oo Arbaco ah, si uu uga soo kabsado dhaawiciisa.

Wargeyska caanka ah "AS” ayaa shaaciyey in Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo uu garoomada ka maqnaan doono 10 ilaa 15 Maalmood, iyada oo shaki la gelinaayo in uu ka qeyb galo ciyaarta adah ee dhex mari doonto kooxaha Juventus iyo Ajax taas oo ka tirsan wareega 8-da ee tartanka Champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip