Shirar wada tashi ayaa ka socda magaalada Beledweyn, waxaana maalinta berri lagu wado inuu magaalada ka dhaco shir weyn oo ay isugu imaan doonaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka ku jira, Heer Wasiir, Xildhibaano, siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadan ayaa ujeedkooda yihiin sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor-gudban shirka iyo sidii beesha Xawaadle iyo beelaha kale ee dega Hiiraan uga qeyb geli lahaayeen gogosha taal magaalada Jowhar ee Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Shirarka iyo kulamada ka socda magaalada Beledweyn ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku biiraan odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay beelaha reer Hiiraan ugu qanciyaan ka qeyb galka shirka, isla markaana wixii tabasho ee jira la dhameeyo.
Wafuud ka socota dowladda Federaalka oo ku qul qulaya magaalada Beledweyn
Wafdi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ayaa ku qul qulaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo wafuudan socdaalkooda ku wajahan yahay sidii beelaha reer Hiiraan loogu qancin lahaa ka qeyb galka shirk