XAASKEYGA JANNADA WAA TUMA?!

0
Monday March 25, 2019 - 02:08:46 in Wararka by
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAASKEYGA JANNADA WAA TUMA?!

    Waa Bilaal Ibnu Rabaaxa, wuxuu ahaa Nin aad u Cibaado jecel habeen ayuu Naftiisa la Sheekeystay, wuxuuna ku yiri:- Rabiyoow Xaaskayga Jannada waa tuma?. Habeenkii xigay ayuu Seexday isagoo Weyso qaba wuxuu ku Riyooday iyadoo lagu leeyahay Xaaskaaga j

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Bilaal Ibnu Rabaaxa, wuxuu ahaa Nin aad u Cibaado jecel habeen ayuu Naftiisa la Sheekeystay, wuxuuna ku yiri:- Rabiyoow Xaaskayga Jannada waa tuma?. Habeenkii xigay ayuu Seexday isagoo Weyso qaba wuxuu ku Riyooday iyadoo lagu leeyahay Xaaskaaga jannadu waa Gabar Madow oo waxey joogtaa meesha la yiraaho AWDAAS. Bilaal wuxuu yiri: Riyadaas ayaa igu soo noqnoqatay,Dhowr Habeen dabadeed waxaan u soo Weyseystay sidii aan u Raadin lahaa Gabadhaas Madow ee ku nool meesha la yiraahdo Awdaas.

Bilaal markuu yimid Goobtii dadkii ayuu wuxuu weydiiyey Gabar Madoow oo joogta Magaalada? Nin ayaa u jawaabey oo ku yiri:- Ma waxaad rabtaa Gabadha Madoow ee waalan?, Bilaal baa yiri:- Oo ma Gabar Waalan baa?. Ninkii ayaa yiri: War Gabadhu Aniga ayey Adoon ii ahaan jirtay, dabadeed Soomanaan jirtay Maalin oo dhan, Habeenkii oo dhana Salaad ayey Tukan jirtay marka aan is iraaho Afurka sii iyo Saxuurtana mey Cuni jirin ee wey Sadaqeysan jirtay.

Markuu Halkaas Maraayey ayuu Bilaal Ninkii ku yiri:- Oo aaway Hadda?.

wuxuu yiri Ninkii:- Waan Xoreeyey oo hada ilama joogto meel Miyigaas ah oo Saxaraha ah ayey Ari ugu raacdaa Reero. Markaas ayuu u Tilmaamay Bilaal jihada ay xigto hallka gabadhu jogto.


Goobtii markuu yimid Bilaal ayaa wuxuu arkay Gabar Madoow oo Ari ku dhex Tukaneysa oo Arigana Xagga Dambe uu ka socdo Waraabe, Xagga horena uu ka socdo Warabe, oo aad Moodo in ka Horena Cawska tusaayo Ariga kan Dambena Xagga Dambe adhiga ka ilaalinaayo.

Markii ay ka soo jeesatay Salaadii isagoo la yaaban Arimaha dhacaya ayey ku tiri- Billaal Asalaamu Calaykum waxaad tahay Ninkeygii Jannada. Bilaal wuxuu yiri:- aad baan ula yaabay Hadalkedii iyo Riyadeydii sida ay isku Waafaqeen. Markaas ayuu Bilaal Gabadhii uga Waramay Qisadii Riyadiisa, iyaduna waxey tiri:- Anigana sidoo kale waa la iigu Bishaareeyey inaad tahay Ninkeyga Jannada.

Markey Qisadu halkaas ay Mareysay ayuu Bilaal Gabadhii weydiiyey:- Bal iiga waran Labadaan Waraabe ee Ariga kuu ilaalinaaya, waxeyna tiri:- Bilaaloow haddii aad Hagaajiso Xiriirka Adiga iyo Alle idiinka Dhexeeya, Adigana wuxuu kuu Hagaajinayaa Xiriirka idiinka Dhexeeya Cid kasta xataa Xayawaanka Dilaaga ah wuxuu kuu noqonayaa ilaaliye.

Fadlan #share gare Lana Wadaag Asxaabtaada.

Nicmaan Mahdi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip