AC Milan Oo Guuldaro Xanuun Badan Dhabarka U Saartay Kooxda ay Sida Wayn u Xifiltamaan Ee Inter Milan, Wiilsha Mihajlovic Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaadhay Kulanka Derby della Madonnina Iyo Inter Milan Oo Waji Gabax La Soo Kulantay

0
Monday February 01, 2016 - 12:17:45 in Sports News by
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AC Milan Oo Guuldaro Xanuun Badan Dhabarka U Saartay Kooxda ay Sida Wayn u Xifiltamaan Ee Inter Milan, Wiilsha Mihajlovic Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaadhay Kulanka Derby della Madonnina Iyo Inter Milan Oo Waji Gabax La Soo Kulantay

    Kooxda AC Milan ayaa guul wayn garoonkeeda kaga gaadhay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Inter Milan, waxayna Milan guushan dahabiga ah ay ku gaadhay 3:0 iyada oo ay goolashan ukala dhaliyeen Alex Rodrigo Dias da Costa,Carlos Arturo Bacca iyoM�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda AC Milan ayaa guul wayn garoonkeeda kaga gaadhay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Inter Milan, waxayna Milan guushan dahabiga ah ay ku gaadhay 3:0 iyada oo ay goolashan ukala dhaliyeen Alex Rodrigo Dias da Costa,Carlos Arturo Bacca iyoM'Baye Babacar Niang halkaMauro Emanuel Icardi uu kooxdiisa Inter Milan ka lumiyay rekoodhe uu ku soo yarayn kari lahaa farqiga goolasha.

AC Milan ayaa ku jirta kaalinta lixaad iyo 36 dhibcood halka Inter Milan ay ku jirto kaalinta afraad iyo 41 dhibcood waxaana labada kooxood kala saara afar dhibcood oo kaliya.Milan ayay guushani u tahay wax aad iyo aad u wayn waxayna doonaysaa in ay xili ciyaareedkan u soo baxdo Champions Leaque-ga
.Milan

Shixihii labada kooxood ee kulankan:

MILAN (4-4-2): Donnarumma; Abate, Alex, Romagnoli, Antonelli; Honda, Kucka, Montolivo, Bonaventura; Niang, Bacca.

Kaydka:De Sciglio, Mauri, Menez, Poli, Zapata, Simic, Abbiati, Balotelli, Boateng, Bertolacci, Calabria, Livieri.

INTER (4-2-3-1): Handanovic; Santon, Miranda, Murillo, Juan Jesus; Brozovic, Medel; Perisic, Eder, Ljajic; Jovetic.

Kaydka: Kondogbia, Palacio, Icardi, Telles, Gnoukouri, Carrizo, D’Ambrosio, Berni, Nagatomo, Melo, Manaj.

AC Milan ayaa ka yaabsatay kooxda xili ciyaareedkan qaab ciyaareedka fiican ku jirtay ee Inter Milan, waxayna kooxda martida lahaa ee Milan ay goolka furitaanka heshay daqiiqadii 35 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta waxaana goolkan udhaliyayAlex Rodrigo Dias kaas oo caawin kubbadeed ka helayKeisuke Honda , waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay AC Milan hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Inkasta oo ay labada kooxoodba fursado fiican abuureen haddana may awoodin in Inter Milan ay la timaado goolka barbaraha ama ay AC Milan wax gool kale ah ay la timaado, waxayna qaybta hore ku dhamaatay 1:0 ay AC Milan hogaanka ciyaarta ugu haysay.Alex1 Alex

Laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay kooxda martida loo ahaa ee AC Milan ay la soo baxday wacdare cusub balse sidoo kale Inter Milan ayaa raadinaysay sidii ay ciyaarta guu soo laaban lahayd. daqiiqadii 69 aad Inter Milan ayaa heshay fursadii guu fiicnayd ee ay kula iman kartay goolka barbaraha kadib markii rekoodhe lagu abaal mariyay, iyada oo Alex uu qalad ku galayMauro Emanuel Icardi, waxaana kubbada qaatay isla xidiga qaladka lagu galay laakiin nasiibka Inter Milan ayaa noqday mid aan shaqayn, waxaana rekoodhahan qasaariyayMauro Emanuel Icardi.

Balse rekoodhaha uu qasaariyayMauro Emanuel Icardi ayay AC Milan ku ciqaabtay kooxda Roberto Mancini, waxaana saddex daqiiqo kadib goolka labaad Inter Milan ugu qubeeyayCarlos Arturo Bacca kaas oo markiisa ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Milan hogaanka ku dheeraystay, wuxuuna gookan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda lahaaM’Baye Babacar Niang. Goolkan ayaa Milan siiyay kalsooni dheeraad ah.

Afar daqiiqo oo kaliya kadib iyo daqiiqadii 77 aadM’Baye Babacar Niang ayaa wixii ka hadhay Inter Milan daad xoorta ku daray isaga oo si xun dhulka ujiiday kooxda Inter Milan wuxuuna dhaliyay goolka ceebta u soo jiiday Inter wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Milan hogaanka ugu raaxaysanayso.

TababareMihajlovic ayaa farxadiisa qarsan kari waayay wuxuuna muujiyay farxada uu leeyahay in aad guulaysato kulan derbi ah, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaaday 3:0 ay AC Milan kaga dhaansatay kooxda ay dariska yihiin ee Inter Milan. AC Milan ayaa ku jirta kaalinta lixaad iyo 36 dhibcood halka Inter Milan ay ku jirto kaalinta afraad iyo 41 dhibcood waxaana labada kooxood kala saara afar dhibcood oo kaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip