Macali Dhayib "Ma jecli in aan warbaahinta ka hadlo laakin waxan qarsan waayey ayaa horteyda yaalla"

0
Sunday March 24, 2019 - 21:11:28 in Wararka by
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macali Dhayib "Ma jecli in aan warbaahinta ka hadlo laakin waxan qarsan waayey ayaa horteyda yaalla"

    "Ma jecli in aan warbaahinta ka hadlo laakin waxan qarsan waayey ayaa horteyda yaalla" Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee dalka, kooxda Alshabaab waa nidaamka kaliya ee ku xidideystay Magaalada Muqdisho iyo qeybo badan oo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jecli in aan warbaahinta ka hadlo laakin waxan qarsan waayey ayaa horteyda yaalla" Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee dalka, kooxda Alshabaab waa nidaamka kaliya ee ku xidideystay Magaalada Muqdisho iyo qeybo badan oo ka tirsan wadanka. Waxay ku milmeen oo ay ka mid noqdeen qeybaha kala duwan ee bulshada :- Ardeyda iyo Macalimiinta, Shirkadaha isgaarsiinta iyo xubnahooda ugu firfircoon, Ganacsata iyo dadka lacagta leh, Guryaha iyo goobaha caanka ah, ciidanka iyo shaqaalaha Dowladda, Dillaalayda iyo kuwa garaashlayaasha, fuundiyada korontada iyo tima-jarayaasha… dhamaan qeybahaas iyo kuwo kale ayey dad muhiim ah ku yeesheen. Qaarkood waaba madaxda kooxda oo awaamiinta qaar bixiya. Intaasi waxaa dheer in wadanka usan nidaam dowli ah oo fadhiya uusan lahayn. – Isgaarsiinta waa Free oo Dowladda ma maamusho, qof walba waxaa u sahlan inuu number qaato , magaciisa uusan ku qoranin, cidda uu doono uu lacag ugu diro, wuxu doonana uu ku qabto xataa qaraxa lagu fuliyo.

      Amniga Magaalada Muqdisho

– Gaadiidka ma xadidna Dowladana uma diiwaan gashana, Targo ma lahan nidaamsan. Qof walba waxaa u sahlan inuu gaari soo dagsado, cidduu rabo uu ka iibiyo, meeshi la rabana lagu aado xataa qaraxa lagu soo xiro.

– Dadka ma tirakoobna sharciyana ma lahan. Qof walba waxaa u sahlan inuu magalada soo galo xiliguu rabo, meeshuu doonana uu ka dago, wuxuu rabo uu sameeyo, cidduu doonana uu la xariiro, haddii uu fal dambiyeed geystana uu si fudud u baxsado ayadoon la tixraaci karin.

– Sirdoonka iyo hay’adaha qaranka ma haystaan qalab baaritaan, oo haddii ay xataa raad helaan ma daba-gali karaan xogna kama soo saaran karaan, Sababta ugu weyna waa in ay dowlado shisheeyo gacan bidxeeyan.


– Shacabka oo aan ku dhiiran karin inay dambiilaha farta ku fiiqaan xataa haddey arkaan, sababtoo ah Dowladda ma difaaci karto, Shabaabna hadafla koowaad ayey la dhiganayaan, sidaa darteed qaar ayaaba og kuwo ay dhaleen oo dadka dhibaateeya mana sheegi karaan.

– Ugu dambayn Siyaasiyiin uusan Amnigu khuseynin, qaarkoodna shabaabkaba la xiriira lacagna ka qaata, Dowladana la gaado musiibo iyo qarax si ay shacabka ugu diraan.

Intaasi iyo in ka badan ayaa ku hareeraysan Sugidda Amniga Caasimadda… Dowladda hadda jirta, kuwii la horeeyey iyo kuwa imaan doonaba waxba lama qaban karaan Eedna kuma lahan xaaladda Caasimada, haddii aan la xalinin intaas oo caqabad ah.

Shabaab halki qarax waxaa kaga baxda lacag aad u tira badan oo mararka qaar gaarta $100 kun oo dollar. Lacagtaas Siyaasiyiin, Ciidan iyo shacabba wey ku laaluushaan, si ay u gaaran meesha ay rabaan. Sirdoonka qarankana hal islaan oo xataa usoo Waranta malahan ama lacag lagu bixiyo.

Hebel ha is Casilo, Dowlada ha dunto, hebel ha baxo… amni kuma hagaagayo erayadaas iyo kuwa la midka ah. Sidoo kale dhowr kun oo Askari oo magalada lagu daadiyo, jidad la xiro amni kuma yimaado. Aminigu waa jawi Nabadeed iyo kalsooni la isku qabo.

Xalka.

– Waa in la dhisaa dhamaan hay’adaha ku shuqul leh Macluumadka qofka ( Diiwangalinta dadka, lasocdka isgaarsiinta, gaadiidka IWM).
– Waa in amnigu noqdaa Mas’uuliyad wadareed ay u siman yihiin Mucaaradka Muxaafadka, Askariga iyo Shicibka.

– Waa in qarash loo buraa qalabaynta iyo tayeynta Sirdoonka , dad badana ay ka shaqeeyaan Gudaha iyo banaanka Cadowga.

– Waa in la qaado dagaal ka dhan ah kooxaha wax qarxiya looguna tagaa goobahooda , intu ku fikiri lahaa sidu wax u qarxin lahaana uu ku fikiro siduu u dhuuman lahaa.

Eedda Madaxda iyo habar fadhido lagdin la fududaa u hadalka xaalka wuu kaga sii darayaa ee Shaqo wadajireed halala yimaado.

Anba Ciilka waan kula qabaa Caadda kaa maraye ***Cadaawuhu wuxu inagu falay waa cir soo dumaye.

Waxba ha u Calaacalin Raggu waa kii Calool adage.

Macali Dhayib.

xigashosomaliweyn.com

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip