Eden Hazard Oo Ugu Danbayn Ka Baxay Abaartii Gool La'aanta Ahayd Ee Xili Ciyaareedkan Ku Habsatay Isaga Oo Muddo Sideed Bilood Ah Kadib Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay
Hazard ayay gool uu Chelsea u dhaliyaa ay ugu danbasyay bishii May 2015 kii ee dhamaadkii xili ciyaareedkii hore markaas oo uu Chelsea udhaliyay gool kaliya oo ay guul kaga gaadhay kooxda Crystal Palace markaas oo ay Blues ku guulaystay koobkii horyaalka Ingiriiska ee xili ciyaareedkii hore.
Hazard ayaan Chelsea wax gool ah udhalin 31 kulan balse ugu danbayn Hazard ayaa indha aduunka iska jeediyay isaga oo Blues goolka afraad rekoodhe ugu dhaliyay kulankii ay kooxda Guus Hiddink ugu soo baxday wareega shanaad ee FA Cupka oo ay la ciyaari doonto Manchester City.Hazard ayaa kulankii MK Dons dib ugu soo laabtay shaxda Blues balse qaab ciyaareed fiican oo uu soo badhigay ayuu ugu danbayn ku masaxay taariikhdii
madoobayd ee soo martay xili ciyaareedkan
.
Qaab ciyaareedkii liitay ee Hazard uu xili ciyaareedkan ku soo badhigay Stamford Bridge ayaa keentay in xidiga ree Belgium lala xidhiidhiyo kooxaha Real Madrid iyo PSG.Iyada oo la galay qaybtii xili ciyaareedka ugu muhiimsayd ayuu goolkani kalsooni ku soo celi karaa xidiga haysta abaal marinta xidigii xili ciyaareedkii hore Premier Leaque-ga guu fiicnaa.
Eden Hazard Oo Ugu Danbayn Ka Baxay Abaartii Gool La'aanta Ahayd Ee Xili Ciyaareedkan Ku Habsatay Isaga Oo Muddo Sideed Bilood Ah Kadib Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay
Xidiga xulka qaranka Beligium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa ugu danbayn ka baxay abaar gool la'aanta ahayd oo uu ku soo jiray muddo dheer isaga oo aan shabaqa soo taaban ilaa iyo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore, wuxuuna gool rekoodhe