Siyaasi ma ihi, Qeybtii 2aad.

0
Saturday March 23, 2019 - 12:46:38 in Wararka by
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi ma ihi, Qeybtii 2aad.

    Safarkii Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Siyaasadda cilmi ahaan uma baran, Xil siyaasadeedna ma qaban, waana sababta aan kuu leeyahay walaaloow i fahamsii. Wax aanan fahmin. Madaxweynaha Faransiisku waxa uu ku dhashay Amiens-France. Dec

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkii Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Siyaasadda cilmi ahaan uma baran, Xil siyaasadeedna ma qaban, waana sababta aan kuu leeyahay walaaloow i fahamsii. Wax aanan fahmin. Madaxweynaha Faransiisku waxa uu ku dhashay Amiens-France. December 21, 1977, waqtigii dagaalkii 77 ee Somalia & Itobiya, xukunka waxa uu qabtay isaga oo 39 jir ah waana Madaxweynihii ugu da'da yaraa taariikhda fransa , hadda waa 42 jir. Xaaskiisa Brigitte trogneux iyadu waa 67 sanno jir. Waxa ey aheyd Macalimadiisa markii uu yaraa, waxa eyna leedahay Labo wiil oo isaga ka da'weyn.( F.S: 1aad). Aabihii waxa uu ahaa dhakhtar ,waalidiintiisu waxa ey ahaayeen Dad aan diin aaminsaneyen, isagu yaraantiisii waxa uu cosaday in wax barasho loo geeyo Roman Catholic Church.

Waan ognahay in Xiriir soo jireen ahi ka dhexeeyo Faransiiska iyo Itobiya. Ma xumo, waa yeelan karaan.
Faransiisku waxa uu Itobiya ku leeyahay Safaaradiisa ugu ballaaran Aduunka oo dhan, waa 43 Hectare, dhulkaa waxaa siiyay Boqor Menelik 1907dii, kadibna faransiisku waxa uu dhisay Khadka Tareenaka ee isku xira Adisababa iyo Jabuuti sannadkii 1917dii. Ma Xumo.


Mogadishu Safaarada Faransiisku waxa ey aheeyd Guri yar oo kiro ah oo ku yiil Degmada Shangaani, kuna dhegenaa Safaarada Ethiobiya oo hal derbi u dhexeeyo. Ma Xumo.
Maxaa Cusub?
Madaxweynaha Faransiiska Mr. Emmanuel Jean-Michel Frederic Macron ayaa yimid Adis Ababa 12/3/2019 lana kulmay Mr.Abye RW Itobiya. Mr. Macron waxaa la socday Ganacsato iyo Madaxa Orange Group, Mr.Stephhane Richard, Shipper CMH-CGM Agri food group heshiisyo ganacsi ayaa la kala saxiixday, Ma xumo.
Sababta oo ah dhaqaalaha faransa hoos ayuu u dhacay, rabshado iyo xasilooni daro ayaana ka abuurtay, waana u baahan yahay Faransiisku in ey wadama kale Maal gashato si dhaqaalaheedu u soo kobco. Markii hore maalgashiga Faransa ee Afrika waxa uu ahaa 15% ,shiinahana 3% , hadda waa cagsiga oo shiinaha ayaa booskii buuxisay, Ma xumo.
Laakin Faransiiska ayaa Itobiya ka caawinayo Ciidan badeed, Itobiya oo aan Bad qabin wixii ka dambeeyay 1991 markii Ereteria ka go’day. Iyo 100 million ayaa lagu taageerayaa qorshaha geeska Afrika ee Abiye wado?
Kadibna Kenya ayuu tegay, waxa uu Faransiisku dhisayaa waddo Tareen oo dhulka hoostiisa ah oo isku xirto Bartamaha Nairobi iyo Airporka Jomo Kenyata, waxa kale oo uu dhisayaa waddo tareen oo dhameystirta tii Shiinuhu dhisay ee Mambasa – Nairobi, gaarsiinayana Nairobi illaa galbeedka wadanka , faransiiskuna 3 Billion oo maalgalin ah ayaa ka diyaar ah, Ma xumo.
Laakin si fiican u dhageeyso shirkii Uhuro kadib,Madaxweynaha Faransiiska oo leh, Kenya iyo Ethiopia go’aan ka soo gaara arrinta Somaliya , adinka iyo wadamada kale si aan u fuliyo Go’aankiina.
Dhinaca kale 14/3/2019 Madaxweynaha Mareykanka Mr. Trump ayaa khadka Telefonka kula soo xiriiray Mr. Abiye.
Maalma yar kadib waxaa Mogadishu yimid wafdi Qarsoodi ah oo Itobiyaan ah, waxa ey Airporka kula kulmeen Suxufiyiinta Somalida, oo laga reebay qalabkii warqabadka iyo Kaamerada, waxaa loo sheegay in Colaadii dhamaatay, in wanaagga labada Dal oo kaliya ey ka hadlaan, in eyna dhici doonin in Ciidan dambe oo Itobiyaaan ahi Mogadsihu yimaadaan, kii horena ey ku khaldameen. kadibna diblomaasiyiin Somali ah ayey la kulmeen, ugu dambeeyna , hayadaha Somalida ee Madaxa banana ee Cilmi barista iyo la talinta sameeyo.
Tix galin, in Wadan lagu soo duulo ama Dad la xasuuqo Caalamkuna ka aamuso wax cusub ma ahan, Muslimiinta Rohingya ee Nyanmar xasuuqooda lagama hadlo, in laguugu tuhmo in aad Taajir ka tahay shidaal waxa ey sababi kartaa, in marmarsiyo kale laguu helo laguna qabsado , Shidaal dartii waxaa loo burburtiyay Libiya iyo Ciraaq, waxaa u maqan Md.Qadaafi iyo Md. Sadaam.
Shaki.
Taliyaha Guud ee AMISOM waxaa loo magacaabay LT-Gen. Tigabu Yilma Wandimhunega oo Itobiyaan ah 31/1/2019. Ciidamada Itobiya Doorkii Faragalneed oo ey ku lahaayeen Doorashadii K/Galbeed. Itobiya oo Dacwad Caalamiya naga gudbisay 1957 oo leh Baydhabo waa dhul Itobiya xuriyada halaga reebo 1960, Talyaaniga ayaa yiri: Halka aan xad ahaan ku heshiinay waa Maydhabo oo ku taal gudaha Somali galbeed ee ma ahan Baydhabo, Dacwadaasii iyo maxkamadii iyada oo aan go’aan laga gaarin ayaan xuriyadii qaadanay, ( Arrintii maxkamadaa halkii ey ku dambeeysay iyada oo faahfaahsan ka fiiri Qoraaladeydii hore ee FB). Qorshaha in Somali land ey go’do, kadibna lafteedu 3 u sii kala go’do….. intaa oo dhan fiiri.
Ma waxaan ka baxnay Dowlad ku meel gaar ah, waxaan galnay Isticmaar ku meel gaar ah?.
Ma Jiilasha dambe ayaa kugu eedeyn doona Adiga Aqristaha ah in markii aad nooleed ey Somalia Xuriyadeeda Dhumisay?. Jiilasha dambe, Ma waxa ey na dhihi doonaan Abkoowgeey iyo Abooto oo "Adiga iyo Anniga ah” Gumeeysi ayey ku hoos noolaayeen?.
Hala yaabin Fulay nimadeyda, waxaa aan ka baqayaa in aan Dalal kale u gacan galo , ama la i qeybsado, (F.S: 2 & 3aad). Aniguna waxaan qabaa feker kaa ka duwan, Somali weyn ( F.S: 4aad)
Ummaduhu waxa ey leeyihiin arragti fog, Mustaqbalka ayey ka fekeraan Annaga aragtideenu ma dhaafsano 2020 Miyaa?.Anaguna waan isku mashquulnay Miyaa?.
Wixii aan ka khalday ka sax qormada Sare.
Wax yar kadib waxaa yimid Somalia Madaxweynihii Jabuuti MD. Ismaaciil Cumar Geeleiyo Wafdi Eriterya ah.
Sidee wax u jiraan? Fadlan i fahamsii.....
La soco..... Qeybta 3aad ee Siyaasi ma ihi.
Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip