Cristiano Ronaldo Oo Weerar Dadban Ku Qaaday Macalinkiisii Hore Ee Rafa Benitez "Zizou Wuxuu Na Ilowsiiyay Maskaxdii Guracneyd"

0
Monday February 01, 2016 - 12:07:26 in Sports News by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Weerar Dadban Ku Qaaday Macalinkiisii Hore Ee Rafa Benitez "Zizou Wuxuu Na Ilowsiiyay Maskaxdii Guracneyd"

    Cristiano Ronalado ayaa amaan ugu qubeeyay macalinka cusub ee kooxdiisa Real Madrid kadib markii ay xalay kooxda caasimada ka dhisan ee Los Blancos halkeeda kasii waday dib u soo nooleynta rajadeeda horyaalka La Liga, 6-0 *na ay ku garaaceen kooxda E

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronalado ayaa amaan ugu qubeeyay macalinka cusub ee kooxdiisa Real Madrid kadib markii ay xalay kooxda caasimada ka dhisan ee Los Blancos halkeeda kasii waday dib u soo nooleynta rajadeeda horyaalka La Liga, 6-0 *na ay ku garaaceen kooxda Espanyol oo aan wax caawinaad ah helin sidoo kalena wuxuu weerar dad badna ku qaaday macalinkiisii hore ee Rafa Benitez.

Weerayahanka Portuguese ayaa eedeeyay ciyaarihii saaxiibtinimo ee safarka badna ahaa ee uu maclainkii hore ee kooxdaasi ku geeyay meelo kala duwan oo caalamka ah iyo in aysan helin waqti rasmi ah oo ay isugu diyaariyaan xili ciyaareedka cusub.

Kadib markii uu xalay agroonka kala soo baxay kubadii lagu ciyaarayay kadib sadex jeer uu shabaqa soo taabtay ayuu Cristiano saxaafada u waramay wuxuuna yiri "Kulamadii xili ciyaareedka ka hor ma aysan aheyn kuwo na caawiyay, waxaa jiray dhib badan, waxaa no yimid Zizou oo maskax kale wata, wax waliba ka duwan, waan ku raaxeysanaa haatan ciyaaraheena”.

"Wuxuu intaa ku daray Cristiano "Waan u baahanahay inaan aad u shaqeyno, aniga iyo kooxdaba, haatan maskaxdeena waa mid samaha ka fakarta oo horu socod leh, Espanyol waxaan ula ciyaarnay si fiican, waxaan dhalinay goolal, kooxda dhan ayaa qanacsan mana jiraan wax dhib ah, kulankii Bets wuxuu ahaa kulan xamaasad badan laakin xalay waxaan yareynay awoodeenii jir ahaaneed ee saa’id ka aheyd”.

es vs real

Ronaldo ayaa sidoo kale qaba in wali ay la tartami karaan Atletico Madrid iyo Barcelona marka la eego hanashada horyaalka inkastoo ay xili ciyaareedka qaab liita ku bilowdeen wuxuuna yiri "Kama fakarno Barcelona ama Atleti, hadii ay si fiican u ciyaarayaan wey u ciyaarayaan hadii kalena waa sidaas, waa inaan anaga si adag u shaqeynaa waayoo wali wado dheer ayaa dhiman, waxyar ayaan ka danbeynaa laakin dhamaadka ma dhawa, waan arkeenaa markaan la ciyaareyno laakin hada maba jirto koox jilicsan, dhamaan kooxaha ayaa adag, dhamaan” ayuu yiri Cristiano Ronaldo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip