Qarax ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 qof oo Gilgilay Xarunta Dalka Syria ee Dimishiiq

0
Monday February 01, 2016 - 11:35:08 in Wararka by
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 qof oo Gilgilay Xarunta Dalka Syria ee Dimishiiq

    Ugu yaraan 50-qof ayaa ku dhintay qarax weyn oo ka dhacay magaalada Dimishiiq ee xarunta dalka Suuriya, tiro intaa ka bandana ay dhaawacyo kasoo gaareen, iyadoo mas'uuliyiinta ururka Midowga Yurub oo si aad ah u cambaareeyay qaraxaas ay ku tilma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 50-qof ayaa ku dhintay qarax weyn oo ka dhacay magaalada Dimishiiq ee xarunta dalka Suuriya, tiro intaa ka bandana ay dhaawacyo kasoo gaareen, iyadoo mas'uuliyiinta ururka Midowga Yurub oo si aad ah u cambaareeyay qaraxaas ay ku tilmaameen mid lagu Car-qaladeynayo Wadahadallada u socda dhinacyada isku haya dalkaas.
Federica Mogherini oo ku sugan Geneva si ay uga qayb-gasho Wada-hadalada u dhexeeya dhinacyada dalka Suuriya ayaa xusay inay wax lagu farxo tahay inay ka qaybgalaan wada-hadallada mucaaradka Suuriya, iyadoo xustay inay dhiirri-gelinayaan taallabadan.

Sidoo kale, Bashar al Jaafari oo Horkacaya wakiillada dowladda Suuriya uga Qayb-galaysa wadahadallada, ayaa sheegay in Weerarku uu xaqiijinayo xiriirka ka dhaxeeya mucaaradka iyo argagaxisada.

Qaraxyada Qasaaraha badan geystay ayaa ka dhacay meel u dhaw goob ay dadka Shiicada ahi ku Cibaadeystaan ah; iyadoo Dadka ku Dhintay Qaraxa ay ahaayeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ergeyga Jamciyadda Quruurmaha ka dhexeysa uga Wakiilka ah Arrimaha Suuriya, Staffan de Mistura ayaa la filayaa in Isniinta maanta ah uu wadahadalo la yeesho dhinaca matalaya dowladda Suuriya, kaddibna uu la kulmo mucaaradka Suuriya.

Ugu dambeyn, Dhanka kale Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku haya Suuriya inay ka faa’ideystaan fursadda lagu soo Af-jarayo colaadda dalkooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip