Israsaaseyn Ciidamada Dowladda Iyo Kooxo Hubeysan Caawa Ku Dhexmartay Isgoyska Siinaay Ee Muqdisho

0
Thursday March 21, 2019 - 22:41:28 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israsaaseyn Ciidamada Dowladda Iyo Kooxo Hubeysan Caawa Ku Dhexmartay Isgoyska Siinaay Ee Muqdisho

    Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Caawa ay israsaaseyn ku dhexmartay Ciidanka Booliska dowladda iyo Kooxo hubeysan. Dad ku sugan Isgoyska Siinaay oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Caawa ay israsaaseyn ku dhexmartay Ciidanka Booliska dowladda iyo Kooxo hubeysan. Dad ku sugan Isgoyska Siinaay oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Ciidamada marka hore ay ka shakiyeen gaari ay wateen Kooxda hubeysan,isla markaana intaasi kadib ay labada dhinac isdhaafsadeen rasaas xoogan oo muddo socotay.

 
Sidoo kale waxaa la sheegay in rasaastaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku caweeynayay Maxaaqiyo ku yaalla halkaasi,waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowlada Soomaaliya gacanta ay ku dhigeen gaarigii ay wateen Kooxdii hubeysneyd,isla markaana waxaa looga shakiyay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,inkastoo aan la xaqiijin karin.

Isgoyska Siinaayay ee Magaalada Muqdisho ayaa Caawa waxaa isku gadaamay Ciidamada Booliska Soomaaliya,iyagoo halkaas xiray.

xigashoradiodalsan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip