Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Degmada Kaaraan Ee Gobalka Banaadir
Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa ku Sheegaya in Maanta uu guri ku yaalla Xaafdda Nageeyle qabsaday dab xoogan oo geystay khasaaro hantiyeed.
Dabkaan ayaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto ku jirtay gurigga iyada oo markii dambana dabku uu wada qabsaday guriga kunsii faafay xaafado kale oo ku dheganaa,dadka deegaanka oo u gurmaday qoyska gurigu ka gubtay ayaa ku guuleystay in ay damiyaan.
Ma jirto khasaaro nafeed oo uu geystay dabkaas marka laga tago in uu basbeeliyay dhamaan wixii hanta ahaa ee yiilay guriga dabku ka kacay,degmooyinka gobalka Banaadir ayaa inta badan waxaa ka kaca dabab kala duwan oo geysta khasaaro u badan mid hantiyadeed.