IGAD oo ku talisay in tallaabo laga qaado Qaswadayaasha Siyaasada iyo Nabadda Somaliya (SAWIRRO)
Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom ahna Guddoomiyaha xilligan ee IGAD ayaa Shir-guddoomiyay Kulankaasi waxa uu sheegay inay soo hagaagayso Xaalladda Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Bulsho ee Somalia, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay Taageero isugu jirta Siyaasad, Dhaqaale iyo Milliteri sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Somalia.
Amina Maxamed Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia oo ka hadashay Shirka IGAD waxay sheegtay in loo baahan yahay dagaal mideysan oo lala galo Shabaab oo ay xustay inay Khatar muuqata ku yihiin Deganaanshaha Gobalka, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Gabagabadii Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo muhiim ah, kuwaasi oo ku saabsan xaaladaha dalka Somaliya ee xilligan.
- Waxay IGAD soo dhaweeyeen Go’aankii Dowladda Federalka ee Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016.
- IGAD waxay ka codsatay Dowladaha xubnaha ka ah iyo Saaxiibadda Beesha Caalamka oo ay ku jirto QM in laga hortago Qas-wadayaasha Soomaalida ee caqabadda ku ah Dadaalka Siyaasadda iyo Ammaanka ee sannadkan 2016-ka.
- In Xafiiska IGAD taageero ka geysanayo Taabagelinta Nidaamka Doorashadda, waxayna ugu baaqeen Dowladaha IGAD iyo Beesha Caalamka in ay taageero geystaan meelmarinta Nidaamka Doorashadda.
- In la dhiso Guddi Koox Wasiiro ah oo ay hoggaaminayso Ethiopia, xubnana ay ka yihiin Kenya, Jabuuti iyo Uganda, si ay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda kala shaqeeyaan in si fiican loo hirgeliyo Nidaamka Doorashadda 2016-ka.
- Dowladda Federalka waxaa lagu booriyey inay dardar-geliso Dhismaha Dowlad-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.
- In Shir Madaxeedka soo socda ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD lagu qaban doono Caasimadda Somalia ee Muqdisho.
- Golaha IGAD waxay soo dhaweeyeen hadalkii uu Wasiirka Arrimaha Jabuuti ku sheegay Marti-gelinta Dowlada Jabuuti ee Shirka Taliska AMISOM oo la filayo in dabayaaqda bishan Feberaayo lagu qaban doono magaalladda Jabuuti
IGAD oo ku talisay in tallaabo laga qaado Qaswadayaasha Siyaasada iyo Nabadda Somaliya (SAWIRRO)
Kulan gaar ah oo Wasiirada Arimaha Dibada Dowladaha Xubnaha ka ah Urur Goboledka IGAD ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa waxa ay uga hadleen xaaladaha dalalka Somaliya iyo Koonfurta Sudan.