SAWIRO: Ciidamo Cusub oo dhoolatus ku sameeyey Xeebta garoonka Aadan Cadde

0
Thursday March 21, 2019 - 21:25:27 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: Ciidamo Cusub oo dhoolatus ku sameeyey Xeebta garoonka Aadan Cadde

    Ciidankan loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyada badda oo loo sameeyay Garoonka Aadan Cadee tan iyo Bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sameyeye dhoolo tus ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen ee la xiriira g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidankan loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyada badda oo loo sameeyay Garoonka Aadan Cadee tan iyo Bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sameyeye dhoolo tus ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen ee la xiriira gudashada waajibaadkii loo igmaday. Ujeedda arrin tan ka dambeysa ayaa ah in la waafajiyo nidaamyada iyo adeegyada kajira garoonada caalamiga ah ee ka dhisan dunida inteedi kale,waxaana ciidanku ay bilaabeen in ay guda galaan shaqooyinkii loo igmaday.

Maxamed Cabdiwahaab hogaaminayay kooxda loo diyaariyay badbaadinta dadka ku hafta biyaha bad ahadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay in ay haystaan xirfad iyo tababara ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday,wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadoodi u adeegaan.

S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gob jog ahaa ayaa la wareegay dhul loogu talgalay in xarun looga dhisa Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka,wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda.

Wasiirka gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Hormarinta Garoonk,islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshi laga rabay gaara.

Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd Markii dib loo dhagax dhigay xaruntii horey ee dam-demiska Garoonka Aadan Cade,waxaana tani ay muujinaysaa in garoonkaasi uu ku talaabsanayo horumar ku aadan in loo dhameystiro guud ahaan adeegyada ay bulshadu uga baahanyihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip